Shil Baabuur oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Burco (Aftahannews):-  Allaah u naxariistee saddex qof, ayaa ku geeriyooday shil gaadiid oo ka dhacay  deegaanka tuulada Qoyta ee gobolka Togdheer ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi  oo ah nooca loo yaqaanno NOHA.

1477962_631726096884802_2098723123_n

 Labada gaadhi ee isku dhacoodu sababay dhimashada saddex qof iyo  dhaawacyo kala duwan oo soo gaadhay dadkii saarnaa,ayaa la sheegay inay labad gaadhiba ku socdeen dhanka magaalada Burco kana tageen dhanka caasimadda Hargeysa.

 Meydadka sadexda qof eek u geeriyooday,ayaa mid ka mid ahi ahaa dirawalkii waday labada gaadhi ee isku dhacay mid ahaan halka labada qof ee kaleana ay ka mid ahaayeen rakaabkii la socday labada gaadhi.

 Meydadka iyo dhaawaca ka dhashay shilka labada gaadhi,ayaa loo qaaday dhanka magaalada Burco oo looga soo gurmaday,iyadoo dadki shilkaa ku dhaawacmay lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee magaalada Burco.

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland.