Weriyeyaal Sharci-darro ugu xidhnaa Hargeysa oo Dammaanad lagu soo daayey Saacado ka hor Xuska Maalinta Xuquuqda Aadamaha

Hargeysa(Aftahannews):- Afar Weriye oo muddo toddobaad ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa, ayaa mar dhawayd oo maanta la sii daayey, kuwaasoo la sheegay in qaab damiin ah lagu sii daayey, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen Weriyeyaal goob-joog ka ahaa soodaynta Suxufiyiintaas.

Weriyeyaal la xidhay

Weriyeyaashan oo ka tirsanaa Suxufiyiin bannaan-bax nabadgelyo ah ku muujiyey caddaalad-darro ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo kula kacday Wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal, ayaa toddobaadkii hore Ciidanka Booliska Somaliland qabteen, isla markaana lagu xidhay Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa.

Suxufiyiintan ayaa saddex cisho ka hor Maxkamadda la hor-geeyey, isla markaana ay amartay in muddo toddoba cisho ah loo gudbiyo Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay maalin ka hor ka soomeen cuntada.

Weriyeyaal Xabsiga dhexe ee Hargeysa maanta tagay, ayaa Aftahannews u sheegay in Qaar ka tirsan Afarta Weriye ayaa ku dhex xanuunsaday Jeelka dhexe ee Hargeysa intii ay ku xidhnaayeen, waxaana la sheegay inay soo deyntooda ka hawlgaleen Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee dawladda Somaliland Marwo Farxiya Xuseen Jaahuur, kuwaasoo la sheegay inay dammaanad ku soo daayee.

Weriyeyaashan aan xorriyaddooda sida tooska ah loogu soo celin, ayay soodeyntoodu ku soo beegantay saacado ka hor Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha Adduunka oo ku beegan tobanka Bishan December oo Berri caalamka oo dhan laga xusi doono haddii Illaahay yidhaahdo.

Waxaanay u muuqataa inaanay Xukuumaddu cafiyin Weriyeyaasha sharci-darrada ugu xidhnaa, hase-yeeshee, ay weydaarinayso inay Xabsiga ku qaataan xuska maalinta Xuquuqal-Iinsaanka Adduunka oo dabcan Salaasadda Berri Somaliland-na si weyn looga xusi doono.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.