Warbixin Shaacisay inay Hay’adaha Gargaarka Caalamiga ahi Lacag Siiyaan Al-Shabaab

Muqdisho(Aftahannews):- Hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah, ayaa lagu eedeeyey inay Al-Shabaab lacag siiyaan si ay dhaqdhaqaaqyadooda gargaar u gaadhsiiyaan dadka Soomaaliyeed ee caawimooyinka u baahan ee deegaannada ay Al-Shabaab ka taliso ku dhaqan.

Al-shabaab-131dddd

Warbixin cusub ayaa muujinaysa inay Hhay’adaha gar-gaarka lacago siiyaan Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrikca ee tageera. Hay’adaha ayaa la sheegay inay lacagta u bixinayeen sidii ay cunno gargaar ah u gaadhsiin lahaayeen dadkii la il-darnaa Abaarihii Soomaaliya ku dhuftay sannadkii 2011-kii. iyadoo aanay jirin hal Hay’ad oo magaceeda la xusay.

Sidoo kale, hay’adaha ayaa qaarkood, ayaa la sheegayaa in illaa haatan ay lacago bixiyaan si ay ugu howl-galaan dhulka ay Al-shabaab ka taliso ee ku yaalla Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Warbixintan oo ay si wada-jir ah u soo saareen Humanitarian Policy Group of the Overseas Development Institute (ODI) iyo xarunta Cilmi-baadhista ee Heritage oo fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa waxay sheegaysaa in kooxda Al-shabaab ay Hay’adaha ka dalbato lacago si ay ugu oggolaato in howlahooda ay ka fushadaan deegaannada ay ka taliso.

Al-shabaab, ayaa la sheegayaa inay Hay’adaha ka dalabto markiiba lacag dhan 10,000 oo Doollarka Mareykanka ah si loo diiwaan-geliyo, isla markaana ay uga howl-gasho deegaannadooda.

Ururka Al-Shabaab, ayaa la sheegayaa in inta badan ay iyagu qaybiyaan raashiinka loogu talo-galay gargaar ahaanta ee la gaadhsiiyo dhulka ay ka Taliyaan. Waxay Warbixintu intaas ku dartay in qayb ka mid ah cunnada gargaarka ah ay Al- shabaab u dhigayeen dagaallamayaashooda.

Waxa kale oo ay Warbixintu sheegaysaa in Al-shabaab ay raashin dheeri ah siiyaan dadka u soo gudbiyo wararka la xidhiidha howlaha Hay’adaha gargaarka.

Ugu dambeyn, warbixinta waxaa lagu sheegay in hay’adaha ay la sheqeyn jireen xafiiska Al-shabaab u xilsaarnaa arrimaha gargaarka, taasoo ah sida lagu sheegay warbixinta mid sharci-darro ah.

Inkastoo aanay jirin wax jawaab ah oo ay weli Hay’adaha gargaarku arrintan ka bixiyeen, ayaa haddana waxaa la xusuustaa in Al-shabaab ay Hay’ado badan ka eryeen deegaannada ay ka taliyaan, kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis la shaqeeya reer Galbeedka, halka ay Hay’adaha qaarkood ka la wareegeen Xafiisyadoodii iyo yaallay-ba.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.