Somaliland: Guddi , Guddi, Guddi, Guddi! Taxane Xiiso badan iyo Xaaladaha taagan

Qofku markuu yar yahay iyo markuu da’ joogo, labada jeerba wuxuu u baahan yahay cid uu ku tiirsado. Waayo, labada goorba wuxu u baahan yahay saacidaad iyo caawimo. Yaraantiisana wuu u baahan yahay, markuu cimri joogana kaabis kama maarmo. Sidaa aawadeed, muran kama taagna in Madaxweyne Siilaanyo maanta yahay siyaasi waayeel ah da’ ahaan, isla markaana uu sidaa ku qaabbilay xilka culus ee loo doortay. Sidaa darteed, dad badani waxay qabaan in taasi kelliftay, inuu Wasiirka Madaxtooyada Xirsi ka dhigto caawiye fiican oo wax badan ka daboola.

Inkastoo Madaxweyne Siilaanyo, aan marnaba laga maqal hawl-gudasho la’aan, haddana, Wasiirka Madaxtooyadu hawsha uu hayo iyo baaxadda awoodaha uu isticmaalo, waxa loo arkaa inay yihiin qaar aanu xaq u lahayn oo ka baxsan masuuliyadda uu ku magacaaban yahay. “Muran kama taagna in Madaxweyne Siilaanyo da’ yahay, laakiin dhibaatadu waxa weeye kuwii uu miciinka biday ayaa lugoynaya oo Qarankii marin habaabinaya.” sidaa waxa yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Cali-Guray, mar uu waraysi siiyay mid ka mid ah TV-yada Soomaalida, isagoo ku sugan magaalada London oo booqasho tegay.

Keli kuma aha aragtidan ee waxa la qaba ra’yul caam badan oo indhaha ku haya sida wax u dhacayaan. “Ninka gaaban mooyee, ma jirto cid kale oo wax kala goyn kartaa ee u tag Isaga.” sidaa waxa yidhi, nin ka mid ah Bulshada Caasimadda oo talo siinayay ruux kale oo muraad kaga xidhnaa Wasaaradda Daakhiliga. Kaasoo keliya maaha ee dad badan ayaad ka maqlaysaa kelmadaha noocaas oo kale ah iyo kuwo la macno ah.

“Anagu waxaanu qabnaa in aanu Madaxweynuhu gacanta ku hayn dalka. Dalkuna is dhex yaacsan yahay, Madaxweyne Siilaanyo oo Nin siyaasi, Jabhad iyo mucaarid ahaa kama muuqato taladiisii ee waxa ka muuqata talo kale. Waxa ka mid ah Wasiirka Madaxtooyada. Maalintii Baarlamaanku u yeedhay Wasiirrada, Wasiir kastaaba wuxuu ka hadlay intii isagu uu qaabbilsanaa ee xilkiisa ahayd. Wasiirka Madaxtooyaduna khudbaddii Madaxweynaha ayuu jeediyay oo shay kasta wuu taabtay.” Weedhahaas is fasiraya waxaannu ka soo dheegannay waraysi uu hore Saxaafadda u siiyay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Siday tibaaxeen xogo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo kala duwan oo war galeen ah, Wasiirka Madaxtooyadu toos buu ula xidhiidhaa Maayarada iyo badhasaabada, marka aanuu wasiirka Arrimaha Gudaha joogaa u dhego nuglayn, haddii wasiirkaa joogaa adeecsan yahay awoodihiisana, Isaguu sii mariyaa fariimaha. Laakiin waxay xoguhu intaa ku dareen, inuu qaarkood mar kastaba si toos ah ula xidhiidho, oo aanay waxba ka dhegaysan ciduu ku balamiyo.

 

Dhinaca safaradda iyo socdaaladda dibada iyo gudahaba, marka Madaxweynuhu hogaaminayo weftiga, wasiir Xirsi wuxuu ka noqdaa xubin, balse marka kale, waa hogaamiyaha weftiga, xitaa haddii wasiirkii hawsha lahaa meesha marayo. Taas waxa muujinaya safaradii uu gudaha iyo dibadaba ku tegay oo badidooda uu ahaa madaxa weftiga.

Socdaaladdaa qaarkood waxa xubno ka ahaa Wasiiradii hogaaminta weftiga xaqa u lahaa. Sida xusuusta dhacdooyinka ka muuqata, taasi ragga qaarna way ka cadhaysiisaa oo khilaaf bay dhexdooda ka abuurtaa, qaarna waxay ku keliftaa inay iska ogolaadaan. Laakiin,taasi kala danbaynta maamuuska nidaamka dawliga ah waa ku qalooc.

Tusaale ahaan, wuxuu doonaba ha haysto, balse maxaa ku jaban, haddii uu xubin ka noqdo weftiga, cidda xaqa u lihina hogaamiso, mar haddii ay wada socdaanba. Maxaa ku kelifaya inuu sidaa isu muujiyo?. Dadka aadka u yaqaanaa waxay ku tilmaamaan, inuu yahay nin xamil badan shaqada u leh, karti badan, ma daale ah. Laakiin dunidda ma jirto, dhamaanba waa Aniga. Haddii ay dhacdana ma khalad la’a.

Hase yeeshee, hadiiba nasiibku ku siiyo awood aanad xaq u lahayn, waxa haboon in aanad fududaan, oo aanad is muujin, haddii aad sidaa yeeli waydid, ogow waxaad dilaysaa dhegta ciddii kuu dhiibatay ee faa’iido kale maad soo kordhin. Haatan muuqashada noocaas oo kale ahi waxay wax u dhimaysaa Madaxweynaha.

Sidoo kale ficiladaas oo kale waxay qaybiyaan golaha oo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, inta ka sokaysa siman, balse marka arrimahaas oo kale yimaadaan kooxo noqda. Taasoo ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee lagu dhaliilo xukuumadan. Sidoo kale, waxay horseedaa in sirtu mar kastaba banaanka u baxdo, sababtoo ah waxa kala sareeya, masuuliyiin maamuus ahaan iyo sharci ahaan xil siman wadaaga.

Siday xogaha mawduucaan la xidhiidhaa tibaaxeen, Wasiirrada qaarkood way taabacsan yihiin Xirsi, oo dadka qaar ugu yeedhaan hoggaamiyaha idman. Qaar kale waxa la sheegaa inay ku tiirsan yihiin gidaar kale, tiro yarna waxa loogu yeedhaa, Nidaam-jirayaal oo waajibkooda ayuun bay ku foofaan, cidna kama oggolaadaan khalad, waxaan shaqadooda ahayna ma galaan. “Madaxweynaha waxaannu is qabsan jirnay, maalinta Xirsi iiga horreeyo.” Sidaa waxa laga soo xigtay Wasiir hore uga tirsanaa Xukuumadda.

Waxa la tilmaamaa, Wasiirada qaarkood inay u muujiyaan Wasiirka Madaxtooyada, baashiraad iyo ixtiraam badan oo shabahaya maamuuska Madaxweynaha. “Cuqaashu si fiican ayay u hadleen, waxba kamay tegin, balse waxaan idin odhan lahaa, Xirsi na waa soo socdaaye amaanta iyo hambalyada wasiir keliya ha wada siinina’e badh u reeba.” Weedhahaasi waxay qayb ka ahaayeen hadal uu meel madal ah ka jeediyay Wasiir Ku-xigeen Xukuumadda ka tirsan. Muu xusuusan Madaxweynaha xilka u magacaabay, balse wuxuu muujiyay siduu Xirsi ula culus yahay.

La soco qaybo kale…………………………..

Xigasho Wargeyska Ogaal.