Somaliland: Xirsi, Xirsi, Xirsi, Xirsi, Xirsi! Q: 2-aad ee Taxanaha Xiisaha badan

Madaxweyne Siilaanyo markii uu talada la wareegay wuxuu soo dhisay, Xukuumad dhiig cusub oo da’ yar oo Saaxadda Siyaasada ku cusbaa u badan yihiin. Taasi waxay ahayd tallaabo sax ah oo Madaxweynuhu u qaaday, dhinaca dhiirrigelinta jiilka, aqoonta iyo gacan-qabashada Rag yar yar oo hanta taladda waddankooda, xilligan oo ay Siyaasiyiintii hore u badan yihiin in hoyatay iyo hawl-gab nasasho u baahan ah. Markii uu Golihiisa ku dhawaaqay-ba waxa is waayay oo illaa hadda dibed-meer ah, Saaxiibbo badan oo lays odhan jiray, la’aantood ma dhaqaaqi karo.

siilaanyo-iyo-xirsi

May filayn taas, manay ogayn inay Xisaab khaldan isu-gaysteen. Goor wax is-beddeleenba Rag la socday umay muuqan. Wuxuun bay dareemeen kulaylkii qoraxda, goor cadceeda lagaga tegay. Wax waliba xili hore oo aan guushaba la gaadhin, ayay xaga kale isu rogeen. Markii uu kursiga ku fadhiistay ee runtii timi, ayay gadaal wax ka garteen, taasina liibaan uma noqoto nin hal seegay. Arrimahaasina waxay sababeen isa seeg iyo aamin darro, horseeday in laga war wareego khilaafka Kulmiye in si dhab ah loo soo afjaro.

Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu ka mid noqday da’daa cusub ee Madaxweynuhu masraxa soo saaray. Waa wasiirka Madaxtooyadda, laakiin la mid maaha, wasiirkii Madaxtooyada ee dawladdii Rayaale, tii Cigaal iyo tii Tuur ee labadii sano haqajiska ku dhamaysatay. Kuwaa hore Rag iyo Dumarba intii jagadaa soo qabatay, waxay ku koobnaayeen xilka loo magacaabay oo keliya. Qaarkood dadka inta taqaanayba fara ku tiris bay ahayd, waayo, mar mar iyo dhif ayaa magacooda saxaafadu soo qaadi jirtay.

Dhanka kale dawladahaa hore marna madaxtooyadda may gelin, Madaxweyne iyo Wasiir madaxtooyo oo isku hayb ahi. Ujeedku maaha laba masuul oo isku qolo ahi, halkaa ma wada joogi karaan, balse waxa weeye markii u horaysay ee ay dhacdo. Ceebna maaha, sharci darro na maaha, isla markaana muwaadinka xaqiisa hebel bay isku reer yihiin, in lagu duudsiyo maaha. Hase ahaatee, marka khaladka iyo dhaliisha ka timaada laga hadlayo, waa iska caado in soomaalidu xoqdo nabarkaa. Qalinka Ogaal se taasi uma taalo, ee wuxuu falanqaynayaa dhaliisha masuuliyadaa iyo khaladaadka lagu galay. Waxay dadku arkaan iyo wax ka qarsoon oo ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan.

Wasiirka Madaxtooyadu degdeg buu u noqday, wasiirka ugu magaca wayn golaha xukuumadda. Degdeg buu u noqday ninka ugu caansan ee loogu hadal haynta badan yahay. Deg deg buu u ……………………..

Waa laga yaabaa in aanay dad badani aqooninba magaca Madaxweyne ku xigeenka, laakiin Isaga kiisa waxa loo arkaa mid fogaaday. Sharciyan waxa loogu yeedhaa Wasiirka Madaxtooyadda, hase yeeshee mucaaridka, bulsho waynta iyo ra’yul caamka guud waxa dhex socda magacyo badan oo lagu sifeeyo awooda uu hayo. Qaar waxay ugu yeedhaan hogaamiyaha idman, qaar waxay ugu yeedhaan Madaxweyne aan la dooran, qaar kale…., laakiin dhamaantood waxay u duur xulayaan awoodda uu haysto oo ka wayn tii xilka wasiirnimo.

Wax kasta oo la yidhaahdaa been ma wada aha, run-na ma wada noqdaan, laakiin bal aan iswaydiino oo nidhaahno, waayo, maxaa sidaa loogu sifaynayaa Wasiirka Madaxtooyadda?, Ma run baa mise been baa laga sheegayaa?, xadkay ku siman tahay awoodda uu isticmaalaa?, siday u dareensan yihiin dhigiisa golaha kula jiraa?, maxaa markhaati u noqon kara?, iyo su’aalo kale oo badan.

Marka sharciga la raacayo xilkiisu waa Wasiirka Madaxtooyadda, oo ma jiro xil kale oo loo magacaabay oo la og yahay. Hase yeeshee, marka daalacanta loo tago, waxa jira waxyaabo badan oo doodda amuurtaa ka taagan rumaynaya ama markhaati u noqon kara, marka la eego dhacdooyinka ilaa hada dhacay. ”Anigaa dalka u taliya ee cid kale oo u talisaa ma jirto”. Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha kadib markay dhegihiisa ka badatay, taladu cid kale ayay faraha ugu jirtaa. Tani maaha mid maalmo uun socotay ee waa mid soo taxnayd intii xukuumadani jirtayba. Marba marka ka danbaysana soo xoogaysanaysay.

Xukuumadani waxay kaga duwan tahay kuwii hore, ee lagu dhaliilo waxa ka mid ah, kala qaybsanaan iyo kooxaysi. Kooxaysigaa aabayaashiisa waxa loo tiriyaa in wasiirka madaxtooyadu ugu horeeyo. Isla markaana uu hogaamiyo kooxda ugu awooda badan ee meesha ka saartay saaxiibadii hore ee Odayga, welina hor taagan. Qodobkaana waxa marar badan ka hadlay mucaaridka iyo dadka dhaliila xukuumadda iyo hogaaminta madaxweyne Siilaanyo.

La soco…………………………….

Xigasho Wargeyskka Ogaal.