Maxkamad dil ku xukuntay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Deegaanka Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa Xukun dil ah ku ridday Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir oo ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, kaasoo ku eedaysnaa dilka Muwaaddin ay Saaxiib ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Aadan Warsame (C/Rashiid-Dheere).

Xildhibaan-Mustafe-Cismaan-Daahir

Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir, ayay Maxkamadda gobolka Hargeysa soo gebo-gabaysay dhagaysiga dacwadda kiiska uu ku eedaysnaa ee dilka ah, isla markaana waxay maanta ku xukuntay in xukun dil ah lagu fuliyo, ka dib markii uu Xaakinka Maxkamaddu sheegay in dilkaasi ku cadyahay Mustafe oo waqti habeennimo ah uu sheegay inuu dilay Cabdirashiid Aadan Warsame.

Maxkamaddu waxay u cuskatay xukunka Mustafe Cismaan Daahir Xeerka Ciqaabta guud iyo Shareecada Diinta Islaamka, sida uu sheegay Garsooraha Maxkamaddu.

Mustafe Cismaan Daahir, ayaa ka mid ahaa 25-ka Xildhibaan ee ay ka kooban yihiin Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa oo la soo doortay 28-ka Bishii October sannadkii hore ee 2012, isla markaana waxa Mustafe laga so doortay Urur-siyaasadeedkii UMMADDA oo ka mid ahaa Ururradii Siyaasadda ee doorashadaas ku tartamay.

Kursiga Urur-siyaasadeedka UMMADDA ee uu fadhiyey Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir, waxa buuxin doona sida sharcigu dhigayo Musharrixii ugu soo codka dhawaa ee isaga ku soo xigay doorashadii Golayaasha Deegaanka ee ay isku urur-ka ahaayeen. Hase-yeeshee, lama garan karo waqtiga dilkaas la fulin doono.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.