“Intaan Inanta Afkiina Soo Barayno, Arooska Dib Noogu Dhiga!” Warbixin Cajiib ah

Hargeysa(Aftahannews):- Madal ilyartu is qabatay oo madax iyo mijo, dawlad iyo shicib laga qayb galay oo laysugu baaciyay kaftan iyo haasaawe duur xulkiisu sareeyo oo salka ku hayay dhaqanka iyo deegaanka iyo waxa qolo waliba qolada kale kaga duwan tahay, ayaa shalay ka dhacday Hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa.

AROOSKA DIB NOOGU DHIGA

Warbixintan oo ka turjumaysa wixii madashaa ka dhacay ayaa Wargeyska Ogaal ka diyaariyay. Waxay ahayd gogol qurux badan, oo dhaqan iyo hidde loo gogley. Waxa fadhiyay dhinac kastaba marka laga dayo labeentii bulshada. Waxa loo fadhiistay Xaajo aanugub ahayn ee curad ah.Waa Xaajo lagu taagay tiir cusub.

Waa caado gobeed iyo sidii la yeeli jiray. Waxay ahayd madal sidii horeba loo arki jiray, la isku weydiistay Inan.Wuxuu ahaa ardaa dhig ay ku xidideen Burco Iyo Boorame.Marka si kale loo dhigana ISAAQ iyo SAMAROON. Maaha kii u horeeyay, balse xiisihiisaa ii geeyay in aan xuso.

Waxay saadaal u ahayd madashaasi soo laabashada guurkii is-dhexgalka bulshada wax tari jiray, ee hore u jiray, balse cahdigan danbe u muuqda inuu bedelay guur-doceed, nin waliba inaadeertii ku laabay. Waxay ahayd madal dhiirigelinaysa nabada iyo wada noolaanshaha. Xigaal iyo xididka cusuba, la isa soo horfadhiisay.

Salaadiin, Siyaasiyiin, Wasiiro, Ganacsato, Xildhibaano, Waxgarad, Dhalinyaro, doc loo dayaba, waa la dhamaa.Waxa la bilaabay ajandahii iyo qasdigii la isugu yimi. Waa shir dhaqan oo siyaasiyiintu door kumay lahayn, balse waxay ahaayeen goob-joogayaal, maamus iyo muunadba geestooda bilayay.

Sheekh Maxamuud Macalin Carab ayaa aayado quraana ku furay, wacdina raaciyay. Intaa dabadeed, waxa loo gudbay tiraabtii kale. Caanaa la wadaagaa ee hadal lama wadaago, sidaa aawadeed ninkii lahaa baa u baxay. La iskuma jiro ee waxa istaagay Suldaan Saleebaan oo ka mida madax-dhaqameedka Gobolka Awdal. Wuxuu qadimay dalabkiisii oo dulucdiisu ahayd, in la siiyo inanta ay ardaa dhiga u ahaayeen, oo uu dhalay ILAAHAY ha u naxariiste Indhadeero, taas oo uu u doonayay wiil gayaankeeda oo dhiniciisa ka soo jeeda. Calafbaa isa soo doontay. Suldaan Saleebaan waydiintaa jawaabteedii, markay dhegihiisa soo gaadhay, wuxuu fidiyay wixii ay Golaha la yimaadeen sidii dhaqanka iyo gobanimada guurka ee Soomaalidu ahaan jiray. Kamuu hadhine wuu sii wafeeyay isla markaana wuxuu ku dhawaaqay weedh kaftan badan furtay. “Yaradka waxa kale oo aanu raacinaynaa 10-Beerood ee naga guddooma.” Ayuu yidhi Suldaan Saleebaan.

Hadalkii waa ka wareegay oo waxa u baxay reer Burco. Waxa toogadiisii isu taagay Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo ah Suldaanka guud ee beesha Bariga Burco “Iskuma dhawin deegaan ahaan, hadana waxaad na socoteen ilaa baarkii sare. Markaa waxa la isweydiinayaa , intaa ilaa halkaa gaadheyseen, halkaanu ku maqnayn.” ayuu yidhi Suldaan Cabdilaahi, kadib markii uu ka af-celiyay waydiisashadii inanta, ee uu ku dhawaaqay bixinteeda.

Beeralayda had iyo goor muranka dhinaca qoodiga ama dhulka ee dhexmaraa waxa la yidhaahdaahore uma go’o. Awdal iyo Gabileyna dhul-beereed deegaan ahaan in badan la isku hayay, oo sheekadiisu dhagaha uunka hore u wada gaadhay ayaa jiray. Sidaa awadeed, tobankii beerood ee Suldaan Saleebaan badka keenay haasaawe qosol badan ayay dhaliyeen.

Sheekadu marna Togdheer iyo Awdal bay u muuqatay, marna Isaaq iyo Gedabuursi.

Suldaanka Guud ee Beesha Isaaq Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa baaciyay oo markiisa u baxay. Wuxuu ka sheekeeyay aqoontii ay Marxuumka inanta dhalay isu-lahaayeen. Wuxuu taataabtay sifooyinkii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee uu lahaa, kadibna waxa uu u duceeyay lamaanaha udubkooda la taagay. Kamuu hadhine wuxuu sii noolleeyay qosolkii, iyo maaweeladii madashaa ka dhacday. Jareexada iyo duur-xulka ninba waa halkuu ka qabtaaye, isaga oo daba socda Suldaan Saleebaan odhaahdiisii beeraha ayuu yidhi,”Suldaan Saleebaan, Beerahaa haddii aan la isku haysan, waanu ka gudoonay”. Qosolkaa markaliya madashii isku yeedhay. Waxa sii kaabay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow), balse isagu dhinac kale ayuu iska taagay. wuxuu yidhi; “Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir wux uu yidhi, haddaan la isku haysan Beeraha, waanu idinka gudoonay . Annagu Habar-jeclo hadaanu nahay, Geelayagu dhac buu u badan yahay, markaa waxba kama qabno xitaa haddii beeruhu dhac yihiin.Inagu isma soo gaadhno oo qoladayadan waxaanu kala guursanaa badiyaa abtiyaashay oo Dhul-bahante ah. Geelana waanu kala dhacnaa, laakiin geel la kala dhacay haddii yarad loo bixiyo, xeer baanu ka leenahay oo lagama daba-tago.”

Boqor Cismaan Jawaabta kumuu gaabsanin ee jiho kale ayuu u sii fidiyay kaftankii, waxaanuu furay albaab cusub, oo sheekadii beeraha lagaga gudbay.

“Midna waa ku tala galaysaan oo kun wiil oo Jaamacada Camuud wax ku soo barta aqaladoodii, waanu idinka doonaynaa. Midda kale, mar hadaa Saldanadii reer Ugaas noo keenteen, dhaliil ma leh oo waa baarkii sare. Meeshiinuna waa meel degen oo af qabow oo kii jannada ah lagaga hadlo. Inantuna waa reer Burco oo ma taqaan huuno, markaa waxaanu idinka codsanaynaa, intaanu Inanta afkiina iyohuuno soo barayno, inaad arooska dib noogu dhigtaan”.

Qosolka iyo xiisihii haasaawahaa heerkiisu sareeyay horseeday ayaa sii shidmay.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah Salaadiinta beesha Samaroon ayaa ka jawaabay codsigaa boqor Cismaan, waxaanuu yidhi Suldaanku: “Inankayaga ayaanu Nowdii reer Burco soo barnay, kaasaana lagula hadlayaa inantiina, markaa Aroos dib loo dhigayaa ma jiro”.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo Salaadiinta Isaaqa ka mid ah ayaa isna ka mid ahaa raggii madashaa midhkiisa ka tuurtay. Wuxuu dhiniciisa ku ladhay haasaawihii socday siyaasad iyo camalkeed, waxaana erayadiisii ka mid ahaa oo uu yidhi; “Waad na ilaalaysateen oo xagii tijaarta ayaad naga gasheen, doraad waxaanu idin siinay Khadar Ambassador inantiisii,maantana Indhadeero inantiisii. Markaa waanu isweydiinay oo waxaanu nidhi, waar nimankii waa kuwan weerarka soo qaaday ee is-dhexgalkii bulshada u soo laabtaye, ma calankii madooba ee ay la soo bixi jireen bay iska dhigeen. Dawladana waxaan leeyahay tabashada beelaha darafyada wax ha laga qabto”.

Af, af loo waayaa ba’ay. Calanka madow iyo tabashadaa uu suldaanku carabka ku dhuftay ka jawaabisteeda, waxa u baxay Suldaan Dhawal oo ka mid ah Salaadiinta Beesha Samaroon, ”Intaa aad Afka ka leedahay oo uurka jirta ayaa fiicnan lahayd. Calankan yarna halkan (Hargeysa) iyo halkaaba (Boorame) waa lala soo baxaa, oo hadba ka cadhadu ku qaloocato ayaa la soo baxa. Waarkaa hadba keena cadhadu ku qaloocato, ayaa la soo baxa, oo ku cadha burbura ee ma sii ridna.Annaguna tabashadayada ayaanu ku muujinaynay ee niyad nagama ahayn, qaranimadana wax ku yeeli mayno, oo annaga taa balan qaadnay”.

Inkastoo dadka madashaa ka hadlay aanay intaa ku koobnayn oo ay ka badnaayeen, hadana waxa soo gunaanaday xafladdaa odayga ugu da’da wayn madaxda dhaqanka. Oday dhankastoo laga eegaba guud ahaan Soomaali, gaar ahaan Somaliland tacab badan geliyay, tusaalooyin iyo dhaxal fiicanna durba laga hayo. Waa Xaaji Cabdi Xuseen oo caan ku ah (Cabdi-Waraabe). Wuxuu ku soo khatimay madashaa duco iyo in ILAAHAY isu barakeeyo lamaanahaa. Kaasoo saadaal aynu uga dhigayno soo noqoshada guurkii la arki jiray ee Inantu safaaradda ka dhignaan jirtay. Isla markaana aynu ku yuraynayno guur doceedka ay xaafad waliba keligeed isku noqotay.

Xigasho Wareyska Ogaal.