“Waxa jira shaki ku saabsan in arrimo Siyaasadeed ka dambeeyeen Dilkiisa..”

Xildhibaan Cabdiqafaar Maxamed Oomaan oo Shaki ka muujiyey Masuuliyadda dilka Mudane la Qarxiyay…….

Muqdisho(Aftahannews):-  Xildhibaan  ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa shaki galiyay cidda  leh masuuliyadda qarax uu ku geeriyooday xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya,oo gaahigii uu watay ku  qarxay  afaafka hore ee laga galo Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiqafaar Maxamed Oomaar oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya,ayaa tilmaamay inay qaraxa lagu dilay mudanaha ka tirsanaa golohooda baarlamaanka  Maxamed Warsame Maxamed (Feysal)

“Waa wax aad looga xumaado in xildhibaan lagu qarxiyo gaadhigiisa laguna dilo meel dhowr tallaabo u jirta Madaxtooyada, laamaha ammaanka faahfaahin cad ayaan ka rabnaa iney ka bixiyaan” ayuu yidhi xildhibaan Cabdiqafaar.

Xildhibaan Cabdiqafaar,ayaa shaki galiyay inay geysteen qaraxa uu ku dhintay Xildhibaan Faysal Kooxda Al-Shabaab oo lagu eedeeyay,waxaanu intaa ku daray inay u arkaan dilka xildhibaanu inuu ahaa mid siyaasadysan.

“Al-Shabaab marka masuul dowladeed ay dilaan ama qarxiyaan iyagaa sheegan jiray hase ahaatee dilka xildhibaan Feysal illaa hadda mey sheegan, waxaana jira shakiyo ku saabsan in arrimo siyaasadeed ay ka dambeeyaan dilkiisa maadaama uu ka mid ahaa xildhibaanadii taageersanaa Raysal-wasaaraha, mooshinkii kalsoonida loogu diidayna ka soo horjeeday” ayuu yidhi xildhibaan Cabdiqafaar.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.