‘Nelson Mandela: Halyaygii Dhabta Ahaa..’

‘Nelson Mandela: Halyaygii Dhabta Ahaa Ee Afrika Oo Geeriyooday’ – W/Q Dr Maxamed-rashiid Sh. Xasan

A true African Hero has died – Qalinkii: Dr. Maxamed-Rashiidh Sheekh Xasan (Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibeda Somaliland)

Nelson Mandela waxaa uu ahaa halyay Afrika iyo guud ahaan Adduunka oo dhan ka baxay. Waa ninkii baray dadkiisa iyo dhammaan ummadda Afrika in la is cafiyo. Markii uu xabsiga ka soo baxay Mandela, wuxuu bilaabay in uu meesha ka saaro isnacaybkii iyo midab-takoorkii ka dhex jiray ummaddii cadaanka iyo madowga lahayd ee ku wada noolayd Koonfurta Afrika, una furo bog cusub oo wada-noolaansho iyo isjecayl ah.

u_118076d_2013-12-8-12-10-36f_jj

1470367_567523243326714_1580366851_n

Anigu waxaan nasiib u yeeshay bishii February 1998-kii in aan soo arko halkii uu Mandela ku xidhnaa ee ku taala Jasiiradda Robben

(Robben Island). Waxyaalaha cajiibka ah ee xusidda mudan waxa ay tahay in Nelson Mandela uu xabsigaas ku jiray laba meelood oo ka mid ah marka noloshiisa loo qaybiyo saddex meelood.

   Intii uu Mandela xidhnaa waxaan ka mid ahaa dadka u dagaalamaay in dib loogu soo celiyo xoriyaddiisa, si uu u ambaqaado halqankiisa ka-hortagga Midab-takoorka (apartheid).  Markii aan ardayga ka ahaaa London School of Economics (LSE), aniga iyo ardayda kale ee Afrikaanka ahaa oo aanu ka wada tirsanayn Dhaqdhaqaaqii Pan Afrika (Pan Africa Movement), waxaan mar walba mudaharaad ku sameyn jirnay Safaaradda South Afrika ku lahayd London horteeda. Waxaanu Qori jirnay maqaalo aan uga soo horjeedno midab-takoorka iyo xadhiga Nelson Mandela. Waxaan ka qayb galay shirar badan oo looga hadlay sidii xorniyadiisa loogu soo celin lahaa.

Ardayda dagaalka igula jiray waxaa ka mid ahaa shakhsiyada badan oo ay ka mid ahaayeen:

1.  Mudane Yuusuf Xasan oo hadda ah Xubin Baarlamaanka Kenya ah oo Laga soo Doortay magaalada Nayroobi,

2.  Prof. Ngugu Wa Thiongo ? oo ah qoraa reer Kenya ah

3.  Dr. Taajudeen Abdul-Raxeem “Hogaamiyihii Dhaqdhaqaada Pan Afrika (Waxa uu ku geeriyooday Kenya 2011-kii)

4.  Iyo dad badan oo ololayn jiray Afrika asal ahaana ka soo jeeda qaarada.

   Mandela (ama Madiba oo ah magaca ay ugu yeedhi jireen qabiilkiisu oo macnaheedu tahay “Aabo) wax badan ayuu qabtay oo lagu xasuusan doono. Waxaa lagu xasuusan karaa baabiintii midab-takoorka; hirgelintii fikradda in MADOWGA IYO CADAANKU  Wada noolaan karaan. Xaqiiqdii waxyaalihii laga dhaxlay Nelson Mandela waa kuwo awood badan. Odhaahyada dhaxal-galka ah ee uu ka tagay Nelson Mandela waxa ka mid ah mar uu yidhi: “Ummadda South Africa waa in ayna iloobin wixii soo maray, laakin in ay niyadooda u sheegaan in ay is cafiyaan (do not forget the past but make you heart to oper for forgiveness). Arrimaha cajiibka ah ee ay yar tahay in qof bani’aadam ahi sameeyo waxa ka mid ah in Nelson Mandela uu cafiyay dadkii xidhay ee mudadii 27 sano ahayd ee uu xabsiga ku jiray. Nelson Mandela adduunka waxa uu baray macnaha dhabta ah ee cafiska iyo dib-u-hesiishiintu xambaarsan yihiin.

   Iyada oo la waynaynayo halyaygan ka baxay Afrika, 18-kii Bishii July 2009-kii oo ku beegnayd maalintii dhalashadiisa ayaa lagu dhawaaqay inay tahay Maalintii Mandela (Mandela Day), taas oo caalamka laga xuso si kor loogu qaado nabadda caalamka, laguna xuso waxyaalihii laga dhaxlay Nelson Mandela. Waxyaalaha muujina qiimaha uu Nelson Mandela uu ku lahaa wadankiisa waxa ka mid ah qoraal ku xardhan Xarrunta Xusuusta Nelson Mandela (Nelson Mandela Centre of Memory) oo ah: “Mudane Mandela waxa uu u hibeeyay 67 sano oo ka mid ah cimrigiisa u dagaalanka xoriyadda bani’aadamka. Dhammaantayo Waxa aynu dalbanaynaa in qof kastaa 67 daqiiqao oo wakhtigiisa ah in uu ku caawiyo bulshadiisa.”

   Markii la soo daaday Nelson Mandela 1991-kii, waxa uu isla markiiba uu si geesimo leh ula hadlay quwadihii shisheeye una sheegay in ayna hoos u dhigin cadaadiska ay ku hayeen dawladdii Koonfur Afrika si loo sameeyo isbadal dhinaca dastuurka ah. Nelson isaga oo ay ka go’nayd in si nabadgalyo ah wax kastaa u dhacaan, haddana waxa uu ku dhawaaqay in halgankii hubaysnaa ee Xisbigii ANC ay halkii ka sii socdaan illaa dadka madow ee ugu tirada badan Koonfur Afrika ay ka helayaan xaq ay ku codeeyaan.

   Sanadkii 1991-kii, Mandela waxa loo doortay guddoomiyaha ururkii African National Congress (ANC) iyada oo saaxiibkii Oliver Tambo ku-xigeen loo doortay. Mandela waxa uu halkii ka sii waday wadahadaladii uu kula jiray Madaxweynihii markaas ee F.W. de Klerk si loo qabto doorashii ugu horeysay ee ay ku loolamaan jinsiyado  kala duwani (multiracial elections). Qoomiyada cadaanka ee reer South Afrika waxa ay aad u doonayeen in awooda la wadaago, halka qoomiyadda madowga ah ee reer Koonfur Afrika ay ka doonayeen in gabi ahaanba ay a wareegaan majaraha xukunka dalka. Waxa jirtay in in badan geedi-socodkii wadahadalada cadaanka iyo madowgu uu la kulmay turaanturooyin kuwaas oo ay ka dhalatay in ay rabshado ka dhacaan guud ahaan dalka, iyada oo ay ka mid ahaayeen shirqoolkii dilka ee hogaamiyihii ANC Chris Hani.

   Nelson Mandela waxa uu geeriyooday Bishan December ee aynu ku jirno 5-teedii isada oo ku sugan gurigiisa ku yaala magaalada Johannesburg.

   Somaliland iyo Caalamku Maxay Ka Dhaxli Karaan Nelson Mandela? Somaliland iyo guud ahaan caalamka oo dhami waxa ay ka dhaxli kartaan taariikhda Nelson Mandela  isku-tanaasulka, is-cafiska, wada-noolaanshaha, ka-fogaanshaha qabiilka, iyo wax kasta oo dhibaya midnimada dadka.

 

Qalinkii Dr Maxamed-Rashiis Sheekh Xasan (Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibeda Somaliland)