Wacdaraha Qowmiyadaha Itoobiya ku soo bandhigeen Xuskooda 8-aad

Jigjiga(Aftahannews):- Magaalada Jig-jiga ee xarunta Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa maanta lagu soo gebo-gabeeyay Xuskii siddeedaad ee maalinta Qowmiyadaha Federaalka dalka Itoobiya oo ku beegnayd 29-ka bisha Hiidhaar ee sannadka 2006-da taariikhda Itoobiya, taasoo ku beegan 08-da December sannadka 2013-ka, isla markaana ahayd mid si qurux badan loosoo agaasimay, laguna marti-qaaday Wufuud heer caalami ah.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

IMG_0145

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Munaasabaddaas waxaa ka qayb-galay Madaxda ugu sarreysa dawladda Itoobiya oo ay ku jiraan kuwa Ismaamulka Soomaalida, waxaa kale oo ka qaybgalay Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadaha Somaliland iyo Jabuuti Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Md. Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomeyaasha Baarlamaanka Kenya, Justin Muturi, Barlamaanka Rwanda, Golaha Wakiillada Somaliland, Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyada Puntland, Jubaland iyo Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Qowmiyadaha Itoobiya oo gaadhaya 85 Qowmiyadood oo ku kala hadla afaf kala duwan, Diimo kala duwan iyo dhaqammo kala jaad ahana haysta, ayaa soo bandhigay Ciyaarohoda Hiddaha iyo Dhaqankooda, iyadoo Qowmiyad walba ay Calankeeda wadato, waxaana la arki karayay kala duwanaanshaha u dhaxeeya Sagaalka Maamul-deegaanneed ee halkaa Ciyaaraha kala duwan, kusoo bandhigay.

Furitaankii Munaasabaddaa maanta waxaa hadal kooban ka jeediyay Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo hambalyo ku aaddan xuska u diray dhamaan Qowmiyadaha ku wada nool Itoobiya. “Waan u mahad-celinayaa dhammaan martida sharafta leh ee munaasabadda kasoo qayb-gashay, anigoo hambalyo gaar ah u diraya Qowmiyadaha kala duwan ee dalka Itoobiya oo xuskooda aan halkan u wada joogno maanta (shalay).” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ku hadlayay Afka Axmaariga oo ah Luuqadda koowaad ee dalka itoobiya lagaga hadlo.

Intaa ka dib, waxaa goobta khudbad ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, oo hambalyo u diray Qowmiyadaha Itoobiya ku nool, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Males Zanawi oo uu ku sheegay ruuxii ka dambeeyay in Itoobiya ay ku tallaabsato hormar caynkan oo kale ah.

Kooxda Hiddaha iyo Dhaqanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa goobta kusoo bandhigay dhiisha Caanaha oo ahayd mid aad u weyn, isla markaana lahayd sagaal ilood oo loogu tala galay in Caanaha laga wada cabbo, iyadoo ujeeddada laga lahaa ay ahayd in dhammaan Qowmiyadaha dalkaas ay helaan fursado isku wada mid ah, gaar ahaan dhinaca qayb-sashada kheyraadka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa madasha ka jeediyay khudbad aad loo jeclaystay, isla markaana waxa uu ahaa qofka keliya ee kasoo qayb-galayaasha kula hadlay Afka Soomaaliga. “Waxaan hambalyo idiin kaga sidaa shacabka Jabuuti anigoo sidoo kale u hambalyaynaya Walaalaha Soomaaliyeed ee Jigjiga sida quruxda badan ee ay u agaasimeen munaasabadda Qowmiyadaha Itoobiya.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbadiisu ay ahayd mid Soomaalida Itoobiya aad u soo jiidatay.

Waxa kale oo iyaguna Xafladdaas ka hadlay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dawladaha Kenya iyo Ruwanda, kuwaasoo Hambalyo iyo bogaadin u diray Qoymiyadaha federaalka Itoobiya Maalinta Xuskooda sideedaad awgeed, waxaanay sheegeen inay ku faraxsan yihiin xidhiidhka dalalkooda iyo dalka Itoobiya ka dhexeeya.

Dhiisha Caanaha Laga Cabbayey ee sagaalka dhuumood ama beeb loo sameeyey ayaa muujinaysay Dhaqanka iyo Hiddaha ay Soomaalidu u leeyihiin qaabka ka faa’iidaysiga Caanaha Xoolaha oo dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya qani ku yahay, isla markaana kaga duwan yahay gobollada kale ee Ismaamullada Itoobiya, waxaana laga buuxiyey Caano Geel lagu sharfay Martida Qoymiyadaha Itoobiya iyo kuwa dalalka kale uga yimi, maaddaama oo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Killalka Shanaad Marti loo ahaa sannadkan oo lagu qabtay Xuskooda siddeedaad.

Waxa Garoonka Xafladda Xuska 8-aad ee Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya ee magaalada Jigjiga dul socotay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah, taasoo soo daadinaysay Waraaqo ay ku qoran yihiin; “Kala duwanaansheheennu waxa uu astaan u yahay Midnimadeenna iyo wada-jirkeenna dalkeenna Itoobiya.” Waxaana Raysal-wasaaraha Itoobiya gebogabadii Xafladda Shahaadooyin kala siiyey Masuuliyiinta Ismaamul-goboleedyada Qowomiyadaha Itoobiya.                                        

Aftahannews.cm

Hargeysa/Somaliland.