Khilaaf cakiran oo ka taagan cidda noqonaysa Guddiga doorashada Puntalnd

Garoowe(Aftahannews):- Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Maamul-goboleedka Puntland, ayaa ku dhawaaqay Guddi ay ugu magac-dareen Guddiga Xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaannada Baarlamaanka.

Guddigaas oo ay isku raacsan yihin inta badan Musharrixiinta u tartamaya xilalka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Maamulkaas. Waxaanay Guddigani lid ku tahay wareegto uu Madaxweyne Faroole ku magacaabay Guddigan oo kale toddobaadkii hore.

Guddigan ay sheegeen Musharrixiinta Madaxtinnimada Puntland inay magacaabeen, ayaa noqonaya Guddigii labaad ee nooceeda ah ee lagaga dhawaaqo gudaha magaaladda Garoowe, isla markaana ay soo kala saaraan Madaxweynaha Puntland iyo Musharrixiinta kula loolamaya jagada uu immika hayo, taasoo ay Musharrixiinta Mucaaridka ahi ku gacan-saydheen, isla markaana shaaciyeen inay qaaddeceen oo aanay ku qanacsanayn. Hase-ahaatee, weli Maamulka Madaxweyne Faroole ee Puntland kamay hadal dhawaaqan Musharrixiinta Mucaaridka ah.

Prof.Cabbaas Axmad Cabaas (Gacma-Gaab) oo ka mid ah Murasharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland, ayaa Warbaahinta u akhriyey maanta Liiska Magacyada Guddiga uu sheegay inay magacaabeen ku dhawaaqeen oo ay ku mideysan yihiin inta badan Musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo Madexweyne Ku-xigeenka ee Puntland,ayaa kala ah sidan:-

1- Eng. C/risaaq Xuseen Gacayte, Gudoomiye

 2- C/nuur Maxamed Maxamuud (Ubaalle) – Xubin

 3- C/risaaq Maxamed Xaaji Xasan (Burgal) – Xubin

 4- Siciid Cismaan Aadan – Xubin

 5- Maxamed Yuusuf Cabdi (Qoryooley) – Xubin

 6- Cawil Xaaji Maxamed Ducaale – Xubin

 7- Siciid Xasan Ibraahim Warmajaale – Xubin

 8- Faysal Cabdi Diiriye – Xoghaye

Prof. Cabbaas, ayaa sheegay in xubnahan lagu soo xulay aqoontooda iyo dhex dhexaadnimadooda, isla markaana ay yihiin dad lagu kalsoon yahay inay ku midoobi karaan inay gaadhaan go’aan  cadaalad ah.

War-Saxaafadeedka Musharixiintani ay soo saareen, ayaa loogu baaqay Madaxweynaha Puntland inuu aqbalo Guddigan ay ku dhawaaqeen oo ay sheegeen inay yihiin Guddi dhex u ah guud ahaan Musharriniinta Madaxtinnimada Maamulka Puntland oo uu ka mid yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole).

Guddigan, ayaa loo arkaa Guddi ka dhan ah, isla markaana ay Musharrixiintu ku muujinayaan sida aanay u aqbali Karin Guddiga Anshaxa iyo Ansixinta doorashada ee Maamulkaas oo uu toddobaadkii hore magacaabay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Waxaa arrintaa Guddiga ka taagan khilaaf cakiran oo u baahan inay xal u helaan dhinacyada ku muransan cidda magacaabaysa iyo cidda noqnonaysa Guddiga arrimaha doorashada Baarlamaanka iyo weliba Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, taasoo Madaxweyne Faroole u muddeeyey horraanta bisha koowaad ee sannadka foodda innagu soo haya ee 2014-ka.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.