Tirada Dad Gaajo iyo Harraad ugu dhintay Gobolka Gedo Koonfurta Soomaaliya oo Abaaro ku dhufteen

Gedo(Aftahannews):- Ugu yaraan Saddex Ruux ayaa Macaluul, Gaajo iyo Haraad ugu dhintay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya oo Abaaro baahsani ka jireen bilihii u dambeeyey, isla markaana waxa laga cabsi qabaa in tiro kale oo dad ah ay dhibaatadaas Oonka iyo Gaajadu ku dilaan deegaannadaas oo ay Xoolihi ka dhammaadeen, isla markaana Barakac ka socdo.

abaarta gedo ka jirta iyo biyo-la'aanta

Saddexda qof ee Macaluusha iyo Gaajada ugu naf-waayey Gedo, ayaa waxay ku noolaayeen deegaanka Dabaaley oo ku dhow degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo. Guddoomiyaha deegaanka Dabaaley, Sabriye Rashiid Xaaji ayaa sheegay in saddexda qof ee dhintay ay kasoo jeedeen hal qoys oo keliya, isagoo xusay inay saddexdan qof dhinteen toddobaadkan.

“Qoyska ay kasoo jeedeen saddexdan qof waxaa ka dhammaaday xoolihii ay noloshoodu ku tiirsanayd abaaraha jira awgood. Waayo gobolkan wuxuu ka mid yahay gobollada ay abaaruhu sida ba’an ugu dhufteen sannadkan.” Sidaa waxa yiri Sabriye oo ku sugan deegaanka Dabaaley oo 15-km u jira Garbahaarey. Waxaanu intaas ku laray in saddexda qof ee ku dhintay Dabaaley toddobaadkan ay kala ahaayeen laba qof oo waaweyn iyo cunug lix jir ahaa.

Tiro dad ah oo u badan carruur ayaa la sheegay inay abaaraha ka jira qaar ka mid ah gobollada dalka u geeriyoodeen gaajo iyo macluul daran oo soo wajahday, iyadoo toddobaadkii hore ay shan caruur ah gaajo ugu dhinteen degmada Buurdhuuboe ee isla gobolka Gedo oo ay go’doomin ku hayso Al-shabaab muddo bilooyin ah.

Deegaannada miyiga ah ayaa waxaa ku yaraaday biyaha la cabo, taas oo loo sababeynayo abaaraha ka jira deegaannadaas. Iyadoo gobollo ay ka mid yihiin Jubbooyinka ay ka tageen ugaartii ku noolayd abaaraha awgood uga tageen, iyagoo u jiheystay gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Idaacadda Qaramada Midoobay ee Ergo oo ka hadasha xaaladaha bani’aadamnimada ayaas warisay in barmiilkii biyaha ah uu ka joogo miyaga gobolka Gedo lacag u dhexeysa 50,000 illaa 140,000 oo shillinka Soomaaliga ah.

Qoysaska Beeraleyda ah ee ku nool gobollada Soomaaliya ee ay abaaruhu ku dhufteen ayaa qarka u saaran macluul, kaddib markii ay yaraadeen biyaha ayna goobihii biyaha lagu kaydsan jiray ay biyuhu kasii dhammaanayaan.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay in khatar weyn oo nolosha ah ay kasoo fool-leedahay deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen ee Somalia, iyadoo dowladduna ay ku baaqday in la caawiyo dadka deegaannadaas ku nool.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.