Saaxil: Sawirrada Soo-dhawaynta Safarka Xummad-jebinta ah ee Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliso Marwadiisa, xubno kooban iyo ilaaladiisu, ayaa caawa gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaas oo uu gelinkii dambe ee maanta ugu baxay  Safar kedis ah oo Xumad-jebin u muuqda.

SIILAANYO IYO SAAXIL WEEYE1 AFTAHANNEWS

Masuuliyiinta gobolka, Saaxil, degmada Berberta, Maareeyaha Dekedda Berbera, Odayaasha Dhaqanka iyo dadweyne kale, ayaa Madaxweynaha kaga hor-yimi degmada Abdaal ee gobolka Saaxil, hlakaas oo uu fiid-cawlkii caawa gaadhay, isla markaana si diirran loogu soo dhaweeyey.

Sida ay idiin muujinayaan Sawirradan aannu halka hoose idiinku soo gudbinayno oo uu ka qaaday Tifaftiraha Warbaahinta Hubaal Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef) oo safar uu dhiba Burco kaga yimi isagoo ku jira ay Madaxweynaha ku kulmeen Abdaal. Waxa uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Baabuurka uu saarnaa kaga degay Tuulada Sheekh Abdaal, waxaanu soo dhawayntiisa ka dib, qof-qof u gacan-qaaday Masuuliyiinta iyo Odayaasha halkaas ku soo dhaweeyey oo isugu jira kuwo Berbera uga yimi soo dhawayntiisa iyo qaar reer Abdaal ah.

SIILAANYO IYO CALI XOOR-XOORgg  SIILAANYO IYO SOCDAALKA BERBERAreeeeeeeeeeeee SIILAANYO IYO SOCDAALKIISA SAAXIL2222 SIILAANYO SOCDAALKA XUMAD-JEBINTA BERBERA OO ABDAAL LAGU QAABILLAY AFTAHANNEWS SIILAANYO IYO SOCDAALKA BERBERA AFTAHANNEWS1 SIILAANYO12GGGGAFTAHANNEWS

SIILAANYO IYO ODAYAASHA REER SAAXIL aftahannews

SIILAANYO IYO SAAXIL WEEYE1 AFTAHANNEWS

SIILAANYO IYO SAAXIL 11 SIILAANYO IYO SAAXIL21

Ma jiro War rasmi ah oo ay Madaxtooyadu ka soo saartay ujeeddada socdaalka kediska ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo galabta ku tegay magaalada Berbera, hase-yeeshee, ila-wareedyo ka agdhaw  Madaxtooyada Somaliland, ayaa Aftahannews u xaqiijiyey in Madaxweynaha oo ay weheliso Marwadiisa Aamina-waris Sheekh Muxumed Jirde, galabta Safar gaar ah ugu kicitimeen magaalada Berbera.

Warka ay Aftahannews heshay waxa uu intaa ku daray in Safarka Madaxweynuhu yahay mid gaar ah oo aan wax faahfaahin ah laga bixin, isla markaana aan hore u sii qorshaysnayn, balse uu si shakhsi ah u tegay Berbera, isla markaana la filayo inuu Badda Berbera dabbaal iyo nasasho u tegay.

Safarkan kediska ah ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo galabta ugu baxay Berbera, ayaa u muuqda mid xumad-jebin u ah is-faham-waa iyo khilaaf kooban oo ka dhashay kulan gelinkii hore ee maanta uu la yeeshay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe.

Kulanka dhex-maray labada Guddoomiye ee Xisbiyada UCID iyo WADDANI iyo Madaxweyaha Somaliland, ayaa ku saabsanaa qaabka loo waajahayo hawlaha diiwaangelinta Aqoonsiga Muwaaddiniinta reer Somaliland iyo Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee dalka, isla markaana waxa la sheegay markii ay isku fahmi waayeen qodobbada ay kaga wadahadleen kulankaas oo albaabbadu u xidhnaayeen ay ku kala kaceen iyagoon wax natiijo ah ka gaadhin.

Waxa sidoo kale uu Madaxweynuhu shalay la kulmay Odayaasha Beesha Cabdalla Arab oo ay si adag uga wadahadleen muranka iyo xiisadda colaadeed ee ka taagan deegaanka Balliga Diirye Guuleed oo ay Beeshaas iyo Beesha Reer Biniin ee Habar-jeclo isku hayaan, isla markaana markii dambe uu kulankaa shalay ku buriyey go’aan Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsani horraantii bishan ka soo saareen muranka deegaankaas oo ay Beesha Cabdalla Arab ku gacan-saydhay, ka dib markii ay mid dhinac kale loogu danaynayo ku tilmaameen.

Maanta ayaa waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha gobolka Awdal, kuwaasoo iyaguna hordhigay sida la sheegay tabashooyin badan oo ay Xukuumaddiisa ka tirsanayeen. Qodobbada kulammadaas lagaga wadahadlay oo uu ugu xasaasisanaa ka ay Masuuliyiinta Xisbiyada isku fahmi waayeen, ayaa loo arkaa inay ka dambaysay safarkan kediska ah ee Siilaanyo maanta gelinkii dambey sida gaarka ah ugu tegay magaalada Berbera, si uu Biyaha Badda isugu soo dejiyo.

Cabdifataax I. Mursal                                          

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.