Wasiirka Deegaanka oo ka warrantay wax ka qabashada Dhuxusha Sanaag oo Puntland laga dhoofiyo

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ka warrantay heerka dhibaatada Deegaanka ee dalka ka jira, gaar ahaan Xaalufinta Dhirta la jaro ee Dhuxusha laga shido iyo kuwa Sarabka dhismayaasha qaar loo adeegsado laga dhigo, waxaanay sheegtay inay meel halis ah marayso dhibaatada Deegaanku wakhtigan, hase-ahaatee, waxay ku doodday inay dedaal xooggan ku jiraan Wasaarad ahaan, isla markaana ay wax badan oo lagu faani karo ka qabteen gobollada qaarkood.

Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo Waraysi Gaar ah uu Khadka Taleefanka kula yeeshay Wargeyska Himilo Xalay, waxay Sheegta in Dhuxusha Somaliland laga shidaa dhinaca Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland u gudubto, halkaasoo mararka qaar dibedda looga sii dhoofiyo. Hase-yeeshee, waxay xustay inay hadda si weyn ugu soo jeesteen, dawladduna dedaal badan ku jirto, balse weli doorkii shacabku maqan yahay, loona baahan yahay in Shicib iyo dawlad gacmaha la isu qabsado badbaadinta Deegaanka.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Somaliland oo ugu horreyn ka jawaabayeysay su’aal laga weydiiyey heerka dhibaatada Deegaanku wakhtigan ka marayso Somaliland iyo waxay Wasaarad ahaan iyo dawlad ahaanba ka qabteen illaa hadda, waxay tidhi; “Wallaahi markaad eegto hawsha Deegaanka innaga haysataa maaha mid yar, ta labaad waxa weeye Cimilada sida weyn isu beddeshay oo aynu caalamka la qabno, dhibteennuna aanay yarayn. Ta labaadna innaga baa gacanteenna ku soo hoyna dhibaatada-ba oo waad arkaysaa oo boqolkiiba sagaashan 90% iyo in ka badan ayaa Aqallada maanta Dhuxusha lagu shitaa. Annagoo intii tamartayada ah dadka ka wacyigelinaynana weli waxaad mooddaa in la caadaystay oo ay adag tahay in si sahlan is-beddel ku yimaaddo. Laakiin, anigu mid ayuun baan kuu sheegayaa, haddii aynaan Deegaanka u soo wada jeesan, haddii aynaan dad ahaan dareemin dhibaatada Deegaankeenna taalla oo aan mid yar ahayn.”
Wasiirka oo hadalka jawaabtaas sii wadataa waxay intaas ku dartay oo ay tidhi; “Haddaan maanta dawlad ahaan waa loo soo jeedaaye aan Shacab ahaanna loo soo jeesan oo aan gacanta la is-qabsan oo aan runtii si weyn wax looga wada qaban wax badan baynu khasaare soo wadnaa, waanaynu aragnay immika khasaare fara badan oo innagu dhacay, Roobkaa da’ya maanta waad aragtaa Dhirtii waa la wada shiday oo Xas yar oo qabanayaa xataa ma leh ee way soconayaan, Dhagixii oo dhan baa innoo soo wada baxay, Geed oo dhan baynu gumaadnay ama aynu Ood u gumaadno, ama aynu u gumaadno, Sarabkaa dhismayaasha Suuliyada loo soo gurayo, Xaabadaa aad arkayso ee maalin walba Dhuxusha faraha badan laga soo shidayo, intaas waxa la jarayaana waa Dhir qoyan.”
Mar Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga la weydiiyey, markay dhibaatadaa faraha badani deegaanka haysato, miyaan la odhan Karin dawladda ayaa dayacday masuuliyaddeedii, waxaanay ku jawaabtay; “Masuuliyaddu saddex-geesood weeye, Masuuliyadda had iyo jeer cid keliyi ma qaaddo, dawladda Masuuliyadi way saraan tahay haa, Shicib-kana way saraan tahay, Shicibkuna intoodii inay ka soo baxaan baa la doonayey.”
“Marka labaad-na waxaad ogaataa inaynu dad soo koraya immika nahay oo aynu soo baxayno oo Cadceeddaa soo baxaysa ee soo bidhiiqaysa oo kale aynu nahay, markaynu Cadceeddaa soo bidhiiqaysa oo kale nahay waxa la doonayaa inaynu isla wada jaan-qaadno. Laakiin, marka isla-jaan-qaadki uu dhib ka keeno xaggii Shicibka ee aad mooddo inay baratan ugu jiraan xagga Oodashada Xoolaha laga Oodanayo ee meel kale oo uu tagaa jirin ee uu Beerihii loo diiddanaa ku noqnoqonayo, dhinac Dhuxusha laga shidayo, inta badanna aad arkayso dawlad ahaan dedaalka aan ku jirno, itaal-keennana aad arkayso, dee Shicibkana waxa laga doonayaa inay nala dedaalaan.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Shugri oo Jawaabta su’aashaas ay ka bixisay sii wadatay.
Sidoo kale, Mar ay Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Qorshaha ay Wasaarad ahaan illaa hadda ka leeyihiin dhibaato baaxad leh oo laga soo sheegayo gobolka Sanaag oo ka mid ah gobollada ugu khayraadka badan Somaliland, waxay ku jawaabtay; “Horta, gobollada oo dhan bay ka jirtaa, wayse sii kala xun yihiin, gobol kasta maanta markaad eegto Dhirtiisu way socotay, waanay sii kala daran yihiine, Sanaag-na waxay dhinaca Dhuxusha ka quudisaa Puntland, Dhuxusha laga soo shidaa way inna dhaaftaa oo Xagga Puntland bay u socotaa oo Boosaaso ayay tegtaa ama Boosaaso hallagu shito amah aka sii dhoofta-bee.”
“Laakiin, haa qorshaha aannu ka leenahay waakaas maanta bil soddonkeen lagu jiray ee Askartii loo kaxaystay oo Konton Askari socdaan, oo Baabuurti socoto oo Shidaalkii lagu isticmaalayo, oo Shaqaalihii dawladda ee halkaas joogay heegan u yihiin, ee ay Jannaraalladu bixiyeen Ciidanka, ee annagu aannu habeen iyo maalin-ba garab taagannahay ee aannu Khadka taleefanka ugu jirno Badhasaabka. Hawl wayn oo baaxad weyn baannu ka qabannay, hawl wayn oo aannu ku faanno ka Wasaarad ahaan, dawladduna ku faanto ayaannu ka qabannay, sidaannu uga hawlgalnay ee aannu leenahay yaan la illaabin Askarta kormeerka ku jirta, saddex qaybood baa sidaa hawgalka loogaga jiraa, inta la soo qabtay, inta la soo xidhay, inta la ganaaxayo, markaad aragto haa si weyn baannu uga shaqaynay.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo xalay Khadka Taleefanka ugu warrantay Wargeyska Himilo.
Xigasho Himilomedia.com