Hargeysa oo si weyn looga dareemay Qaad la’aan Maanta Soo Food-saaray

Hargeysa(Aftahannews):- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa maanta laga dareemay qaad la’aan, ka dib markii ay la joojiyey isu-socodka gaadiidka ka soo gudba magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo maanta lagu qabtay Xuska siddeedaad ee maalinta Qoomiyadaha Federaalka Ethiopia, halkaas oo lagu soo cashuuri jiray Baabuurta Qaadka keenta Somaliland.

fffff

Laba Shirkadood oo keliya ayay suuragal u noqotay inay maanta Jaad soo geliyaan magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, kuwaasoo kala ahaa Shirkadda Faraska iyo Shirkadda 571, kuwaasoo lacag aad uga badan tii hore ku iibinayay Qaadka.

Rubuca Jaadka ah ee Jabiska ah, ayaa maanta Hargeysa lagu iibinayey 70,000 toddobaatan kun oo Lacagta Shilinka Somaliland ah, halkii markii hore laga siin jiray 30,000 illaa 350,000 kun oo Shilin, halka Mijinta Qaadka Dadarta ah lagu iibinayey 12 illaa 15 kun oo shilinka Somaliland ah, halka maanta ka hor lagu iibin jiray 7 illaa 8 kun oo Lacagta Somaliland ah.

Suuqyada Magaalada Hargeysa, ayaa lagu arkayey dad tiro badan oo tuban, waxa dadku ka orinayeen goobaha Qaadka lagu iibiyo iyaga oo raajicinaya in Qaadku yimaaddo oo uu is beddelo Sicirka qaaliga ah ee Jaadka lagu iibinayey maanta. Isla markaana, waxa si weyn loo dareemay fadhi la’aanta inta badan dadka Qaad cunka ah.

Magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa maanta lagu qabtay Xuska siddeedaad ee Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya, taasoo sababtay in Jibriga Jigjiga oo Qaadka ka soo gudbaya Itoobiya lagu soo miisaamo, isla markaana lagu soo cashuuro, ayaa lixdii subaxnimo ee saaka wixii ka dambeeyey la xidhay oo aan wax shaqo ah qabanaynin, isla markaana la joojiyey isu-socodka Gaadiidka ka soo gudbi lahaa magaaladaas.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.