Warbixin Naxdin Leh: Gabadh Soomaali ah oo loo Iibgeeyey Ingiriiska si Loogala Baxo Xubnaha Jidhkeeda

London (Jam/The Telegraph) – Warbixin ka soo baxday dawladda Ingiriiska, ayaa lagu ogaaday in gabadh yar oo Soomaaliyad ah lagu dhex iibiyey gudaha wadanka UK si looga loogala baxo xubnaha jidhkeeda ee muhiimka ah.

Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska, ayaa baahiyey shalay in inan yar oo laga kaxeeyey dhinaca Soomaaliya lagu kala iibsaday wadanka Ingiriiska si ay uga faa’iidaystaan kooxaha ka ganacsada xubnaha jidhka bani’aadamka, gaar ahaan kelyaha, wadnaha, sambabada iyo xubnaha kale ee jidhka dadka.
Dhacdadan naxdinta leh, ayaa lagu ogaaday kadib markii saxaafaddu heshay warbixin si keddis ah uga soo baxday dawladda Ingiriiska, iyadoo la sheegay in inanta yar ee Soomaalida ah ay gacanta ku dhigeen kooxo shabakad ah oo ka ganacsatada xubnaha jidhka, isla markaana ka iibiya dadka aadka ugu baahan in lagu beero xubno bani’aadam, kadib markii xannuuno kaga dhaceen xubnahoodii jidhka.
Warbixinta dawladda Ingiriisku soo saartay ayaa lagu sheegay in 50% ay sannadkii hore ee 2012 sare u kacday ka ganacsiga tahriibinta dadka, arrintaasoo bannaanka soo dhigtay in dad badan oo la tahriibiye lagala baxay xubnaha jidhkooda, kuwaasoo laga iibiyo dad xannuunsanaya  oo u baahan in laga beddelo qaybo ka mid ah xubnahooda, iyadoo warbixinto soo bandhigtay in 371 carruur ah oo dalka Ingiriiska la geeyey siyaabo kala duwan jidhkooda looga faa’iidaystay ay kala noqdeen 95 carruur ah oo laga soo tahriibiyey dalka Vietnam (Fiitnaam), 67 si qarsoodi ah looga dhoofiyey wadanka Nigeria (Nayjeeriya) iyo 25 ilmood oo laga soo tahriibiyey dalka Shiinaha, iyadoo carruurtaasina isugu jiraan qaar xubnihii lagala baxay, badh adoomo laga dhigtay oo lagu shaqaysto iyo qaar xubnahooda taranka ganacsi ahaan looga faa’iidaysto.Organ_transplantat_2181126b
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay inay jiraan dad aad u badan oo u baahan in xaalad caafimaad xubnaha jidhkooda looga beddelo, iyadoo deeqaha xubnaha jidhka oo caalamka ku yaraaday sababtay inay abuurmaan kooxo suuqa madaw ku iibiya xubnaha jidhka, kuwaasoo dhallinyaro badan u tahriibiya si ay uga ganacsadaan xubnaha jidhkooda.
Xubnaha Kelyahaya ayaa la ogaaday inay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee dadka lagala baxo, iyadoo la sheegay in sannadkasta kooxaha xubnaha jidhka bani’aadamka ka ganacsadaa ay lacag gaadhaysa hal bilyan oo dollar ($1 billion) ka faa’iidaan iibinta kelyaha dadka.