Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo sheegay waqtiga la bilaabayo Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

Hargeysa(Aftahannews):- Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), ayaa shaaciyey inay bilawga bisha koowaad ee sannadka 2014-ka bilaabayaan wacyi-gelinta diiwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka oo bisha afraad ee sannadka dambe loo asteeyay inay dalka ka bilaabanto.

afhayeenka-Komiishanka

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiska Guddiga ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in diiwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ay tartan u galeen shan shirkadood oo ajaanib ah, isla markaana ay ku guuleysatay Shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka.

“Waxaanu tartansiinnay shan Shirkadood oo caalami ah oo ku takhasusay arrimaha diIwaangelinta, waxaannu weydiinaynay Somaliland maxay u baahan tahay inay qabato si ay sannadka 2015-ka, u hesho diiwaangelin heshiis lagu wada yahay? Way soo qorteen kharashka ku baxaya, waxaana ku guulaysatay shirkad Maraykan ah oo la yidhaahdo Creative Associate.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).

Diiwaangelintii ugu horreysay ee Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka ee Somaliland laga sameeyo, ayaa la hirgeliyey dabayaaqadii 2008-dii illaa horraantii 2009-kii, taasoo lagu galay hal doorasho oo ahayd doorashadii madaxtooyada oo Somaliland ka qabsoontay 26 June 2010-kii, ka dibna uu kansalay ama laalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii uu ku guulaystay doorashadaas diiwaangelinta lagu galay ka dib, isaga oo ku dooday inay diiwaangelintaasi lahayd khaladaad badan.

Hase-yeeshee, Madaxweynihii ka horreeyey ee Daahir Rayaale Kaahin ka diiday inuu laalo waqtigii uu Rayaale talada hayey oo uu sheegay in qaladaad ku jiro, markaas uu uu Axmed-Siilaanyo ahaa hoggaamiyaha Xisbiga KULMIYE oo markaa Mucaaridka ugu awoodda badan ee Somaliland ka jira ahaa, balse markuu guulaystay ka dib ayuu qiray qaladaadka uu ka diiday hoggaamiyihii isaga talada dalka ku wareejiyey.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.