Jigjiga(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa galabta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad-deegaanka Itoobiya ee Killalka shanaad, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Xuska Qoomiyadaha Itoobiya oo Berri lagu qabanayo magaaladaas.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxa si diirran ugu soo dhaweeyey Jigjiga Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Masuuliyiin ka tirsan Ismaamulka dawladda Soomaalida Itoobiya.
Muuqaalka qaabka loo soo dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa halkan hoose guji si aad u daawato Vedio-wga.
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.