Saddexdii Maanlaawe: Waa Gabay cusub oo ay tirisay Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-Gabaydo)

Saddexdii Maanlaawe: Waa Gabay cusub oo ay tirisay Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-Gabaydo) 7/12/2013

Nimco-Gabaydo2

Bulshada Soomaalilaaneey 

Siyaasigu wacad ma yeesho 

Sirdoonkuna  ma, laha aammin  

Waxay ehel iyo sokeeye

Saxiibo  noqdaan dantoodu

Cidday subaxba u tilmaanto

Qofkuna bari sidii uu yeelay

 Si leeg ilamaa la yeello

Ma dhaado falkuu  sameeyey

 Sax iyo khalad miduu ku sheego

Sidaan qabo aadamuhuna

Talada waw simanyihiine

siyaasadu caynkan maaha

Sahwiga iyo beenta maaha

Runtoo laga soomo maaha

xaqoo la saluugo maaha

Inaan samo ka aradnaanoon

Xumaan ku sifoowno maaha

Inaan xayaday iska saarno

Xishoodkana siibno maaha

Baadilkoon u siyaaxno maaha

Cadliga seef goysa maaha

Salaanka dulmigana maaha

Inaan samo ka aradnaanoon

Xumaan ku sifoowno maaha

Inaan xayaday iska saarno

Xishoodkana siibno maaha

Anshaxa inaan saydhno maaha

Siyaasaddu maaha maaha

Caqliga samirkiyo damiirka

Asluubtiyo dhaqanka suuban

Sowraca gobonimiyo sharafta

Sidday u dhantahay dadnimadu

Innaan Siiroo garaynoon

Sabool iyo caydh ka noqono

Siyaasaddu maaha gacalo

Samsameey madaxweynaheena 

Axmed iyo sowjaddiisa 

Inaan sanifnoon u tirino

Inaan ku sasnoon dhaliilno

Inaan suuqyadda ka cayno

Sidaanu doonana u hadalno

Siyaasaddu caynkan maaha

Ma aha sodoh qiimo badanoo

Si weyn loo wada qadariyoo

Xushmiyo mudan soo dhaweynoo

Saygeediina uu xijaabtay

Sum cadeeda inaynu waxyeelno

Siyaasaddu maaha maaha

Marxuun saacadiis dhamaatay

Xabaashiyo Iilka seexday

Inandanu hilibkiisa saafno

Inaan sahal mayd u xamano

Aduunka maxkamad ku saarno

Siyaasaddi caynkan maaha

Sandoonow qaylo maaha

Ha la iswada seego maaha

Ha la isku sanaadho maaha

Sokeeye colooba maaha

Khiyaamee iyo sir maaha

Cadaawad sameyso maaha

Siyaasadu caynkan maaha

Saxaafada qowlal maaha

Muwaadin codkii ku siiyey

Xaqiisana seeji maaha

Sidii rangers guryaha oo

Saqdhexe loo daato maaha 

Inaan sardhino iyo maaha

Kursiga qaranka ii sitaacan

Ka fuulayna ha isa siiyo

Ka doonayna ha u sakhraamo

Saakana haddal iyo goaankay

Hablaha Somalilandee

Suugaan ugub inaan ku baaqo

Iyaga sababta u ahaadoo

Sidii shanta maal aduunyo

Ragaa idin kala suntadayee

Misana isukiin saliday ee

Safeyn ugu kala jirtaan

Saddexdii maanlaawe weeye.

Saha iyo damac isku wadiyo

Sedkay isku laynayaana

Kumaba lihin saami qaybsi

Waxaad ugu sacabtuntaana

Sadooy waa dhoy la aane

Siddi siddi diina mooyee

Hubsada suubaan dhaciina

Ayidda samadka ina uuntay

Samow ku saliya rasuulka

Guriyaha salka dhiga xijaabta

Sitaadkeenii bilaaba

Ragow sidatani si maaha

Si aan ku qancaayo maaha

Walaahi si fiican maaha

Amaanadii aad sideena

Inaad dayacdaan sax maaha

Samaaloow miyaan aduunka

Siduu u dhan yahay xilkiisa

Rabigu dumaddiina saarin.

Maxaydun siddaas u yeeli

Maxaydun u sibiq dhaqaaqi

Maxaydun seeri dhaafi

Muxuu suudhkiyo tayga

Seetada dabarkiyo hogaanka

Iblaysku idiinku soohday.

Allaha saatiru raxmaana ah

U soo noqda waad gafteen e

Salaamka u toobad keena

Sujuud dhiga oo ducaysta

Sidaa iyo macasaalama

Nimco Aadan Hurre ( Nimco Gabaydo)

Phone Number 4104771