Taliye Ku-xigeenka Booliska oo ka hadlay dil maanta ka dhacay duleedka Hargeysa iyo Cidda ay u qabteen

Hargeysa(Aftahannews):- Eedaysane maanta nin ku dilay duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa, ayaa Ciidanka Booliska Somaliland gacanta ku soo dhigeen galabta, kaasoo hadda ku xidhan xarunta Ciidammada baadhista Dembiyada ee C.I.D-da ee magaalada Hargeysa, sida uu Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliland u xaqiijiyey Aftahannews.

DSC00104

Booliska-Somaliland1

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), oo caawa khadka taleefanka ugu warramay Shabakadda wararka ee Aftahannews.com isagoo ku sugan Hargeysa, ayaa sheegay in uu geeriyooday Marxuum lagu magacaabo Aadan Cabdi Timir, kaaso uu sheegay inuu dilay nin kale, oo uu xusay inay Ciidammada ammaanku ku guulaysteen soo qabashadiisa.

“Dilku wuxu ka dhacay Deegaanka Uubaale (Koonfurta Madaarka Hargeysa), Marxuumka Geeriyooday waxa la odhan jiray Aadan Cabdi Timir, Gacan ku-dhiiglaha dilka geystayna waxa la yidhaahdaa Shabcaan Cabdi, markii falkani dhacay waxa deg-deg uga hawlgalay Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay, waxaanu hadda ku xidhan yahay Xarunta C.I.D-da ee Hargeysa.” Sidaa ayuu yidhi Taliye Ku-xigeenka Booliska Somaliland oo u warramay Weriye ka tirsan Aftahannews.

Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed  (Fooxle), oo la sii hadlaya Aftahannews, waxa uu sheegay in ninka dilkan maanta geystay uu hore dhaawac ugu geystay Askari ka tirsan Ciidammada sida degdegga ah u hawlgala ee Booliska Somaliland ee loo yaqaanno Birmadka ama SPU-da.

Taliye Ku-xigeenka Booliska Somaliland oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Gacan ku-dhiiglahan maanta aannu qabannahay ee dilka geystay waxa uu hore nooga dhaawacay Askari Boolis ah oo ka tirsan Birmadka, iyaga oo Ciidanka Boolisku fulinayey hawlgal lagaga rarayey dhul uu ootay oo uu Sandaqad uu ka dhex-dhistay oo ku yaalla Deegaanka Uubaale ee Koonfurta Madaarka Hargeysa.”

“Falkaa hore markuu geystayna Ciidanka Boolisku way soo qabteen waxaanannu u gudbinnay Maxkamadda, Sabab loo siidaayey-na ma garanayno, waxaana u dhaxaysay markii uu falkaa geystay iyo maanta muddo dhawr bilood ah.” Sidaa ayuu Aftahannews u sheegay Taliye Ku-xigeenka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle).

Allaah ha u naxariistee Meydka Ninka dhintay ayaa gelinkii dambe ee maanta la keenay Saldhigga Booliska ee Degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu yaallay intii Boolisku ku guda-jiray hawlgalka lagu soo qabanayey eedaysanaha dilka geystay. Waxaanay wararku sheegayaan in sababta dilka keentay la xidhiidho muran dhul oo dhex-maray Marxuumka iyo ninka dilkiisa geystay. Sida uu tibaaxay Taliye Ku-xigeenka Booliska Somaliland oo xusay in kiiskaas loo malaynayo inuu muran dhul la xidhiidho, inkasta oo uu ku dooday inay weli wadaan baadhista sababta dilkaas dhalisay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.