Ujeeddada Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ku tegay Itoobiya

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta u ambabaxay dalka Itoobiya, ka dib markii uu casuumad rasmi ah ka helay dawladda dalkaas.

IMG_0570

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayo, ayaa ka qaybgalaya Xuska Qoomiyadaha Itoobiya oo sannadkan lagu qabanayo magaalada Jigjiga ee Xarunta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Killalka Shanaad, taasoo lagu soo casuumay Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa.

Waxaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo Safarkiisu qaadan doonaa muddo laba maalmood ah, waxaana ku weheliya Masuuliyiinta kala ah, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Axmed Cabdallaahi iyo Afhayeenka Madaxtooyada.

Madaxweyne Siilaayo iyo Weftiga uu hoggaaminayo waxa ay muddada labada maalmood ah ee uu socdaalka ku joogayo dalka Itoobiya magaalada Jigjiga kaga qaybgeli doonaa dabbaal-degga Xuska Qowmiyadaha Itoobiya oo maalinta Berito ah ee Axadda ka furmi doona xarunta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.

Weftigan Madaxweynaha Somaliland waxaa ka sii horreeyey u ku sugnan magaalada Jigjiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) oo maalin ka hor ka ambabaxay Caasimadda Hargeysa.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.