Madaxweyne Siilaanyo ooo Wada-jir Ugu Baaqay Madaxda KULMIYE oo uu la kulmay, Ballan-qaadna u sameeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan la yeeshay Guddida fulinta Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo Guddida qaban-qaabada Shirwaynaha Xisbigaas oo loo asteeyay inuu qabsoomo 25-ka bisha December ee dabayaaqada sannadkan aynu ku jirno.

IMG_5156

IMG_5140

IMG_5156

IMG_5142

IMG_5079

IMG_5100

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qasriga Madaxtooyada kula shiray shalay hoggaanka Xisbiga iyo Guddida qaban-qaabada shirwaynaha KULMIYE, ayaa u jeediyay khudbad uu Madaxwaynuhu ku muujiyey taageerada uu la barbar-taagan yahay Xisbiga.

“Hoggaanka Xisbiga guud ahaan aad iyo aad baan ugu mahad-celinayaa, Xisbiga KULMIYE waa Xisbigii dawladda, waa Xisbiga maanta Masuuliyadda Qaranka  haya, waa Xisbiga aynu taariikhdiisa ognahay, wuxuu leeyahay taariikh fiican oo sharaf leh, waataa ummaddii xilka innoogu dhiibatay, waa Xisbi wada-jirkiisa, wada-shaqeyntiisa la wada ogsoon yahay, waxaana waajib ah in Xilkaa ummaddu inna saartay ee aynu sida sharafta leh ugu soo baxnay inay halkaa ka sii wadno oo aynu xoojinno oo aynu dadkeenna iyo dalkeenna xoggaan fiican ku hayno.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxwaynuhu waxa uu Xisbiga KULMIYE ugu baaqay wada-jir iyo midnimo, isla markaana waxa uu u ballan-qaaday inay Xukuumadda iyo isagu Madaxweyne ahaanba ay la garab-taagan yihiin taageero buuxda, waxaanu yidhi; “Waxaan aad u hambalyeynayaa hoggaanka Xisbiga iyo Guddida qaban-qaabadu hawsha wanaagsan ee ay qabteen iyo sida wada-jirka ee ay u wada shaqeynayaan iyo sida wada-jirka leh ee ay hawshu u socoto, shirka iyo doorashooyinkeenna ILLAAHAY ha idinku guuleeyo, ummadda aynu u noqonno wax lagu daydo oo dad badan oo cadow u ah aan jeclayn guulaha Xisbigaasi gaadhay iyo inay dalkeenna dhibaato ka abuuraan u muujinno inaynu nahay Xisbi wada jira iyo dawladdiisa oo meel ka soo wada-jeeda.”

“Haddii aannu nahay dawladdii, aniguna ahay Madaxwaynihii Qaranka, waxaannu diyaar u nahay wixii hawl ah iyo isku soo dhaweyn ah doorkayaga ka qaadanno, hoggaanka Xisbigana gacan ku siinno. Insha Allaahu waxaan rejaynayaa in Illaahay innagu guuleeyo hawsha aynu doonayno inaynu ku gaadhno meesha aynu doonayno.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.