Sheekh Talooyin Muhiim ah u jeediyey Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumadda Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Axmed Cabdisalaan Aadan (Axmed-Iid) oo ka mid ah Culimada reer Somaliland, ayaa Xisbiyada mucaaridka ah ee dalka uga digay inay sameeyaan muddaharaad, waxaanu tilmaamay inaanu jirrin wax la yidhaahdo muddaharaad salmi ah, isaga oo sidoo kalena Xukuumadda u soo jeediyey talooyin wax-ku-ool ah.

SHEEKH AXMED-IID

Sheekh Axmed-Iid waxa uu sheegay in dhiiggii ka bilaabmay muddaharaadyadii dalalka Carabtu uu illaa maanta socdo, taasina ay tusaale u tahay saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland oo ah waddan curdin ah oo soo koraya. Sheekhu waxa uu Xukuumadda talada haysa u soo jeediyey inay muujiso waayeelnimo iyo inay wax dhagaysato oo aan waxeedu noqon mindi midni ku tag.

Sheekh Axmed Cabdisalaan Aadan (Axmed-Iid) waxa uu sidaas ku sheegay Khudbaddii Salaadda Jimcaha oo uu shalay ka jeediyay Masaajidka Daarul Iimaan ee Xaafadda Jig-jiga yar ee magaaladda Hargeysa. waxaanu khudbad dheer oo uu halkaasi ka jeediyay faah-faahin kaga bixiyay ahmiyadda ay nabad-gelyaddu ugu fadhido bulshadda.

Sheekh Axmed-Iid waxa uu ugu horrayn sheegay inaan loo baahnayn in hadallo deel-qaaf ah oo nabad-gelyadda wax u dhimaya la isku waydaarsado warbaahinta, waxaanu yidhi “Maalmahan dambe hadallo ad-adag oo xanafle ayaa warbaahinta la isu mariyaa Mucaarid iyo Muxaafidba hadallo ad-adag oo xanaf leh oo run ahaantii haddii ay sii socdaan sansaanteedu aanay fiicnayn. Waxa munaasib ah in mucaaridku ay doorkooda gartaan oo ilaaliyaan, dawladuna sidaas oo kale ay waajibkeeda ilaaliso. Cullimadda iyo cuqaashuna ay sidaas oo kale doorkooda ilaaliyaan.”

“Waxaan sidaas u leeyahay nabaddu waa shay caam ah oo aynu gogosheeda ku wada fadhino oo haddii wax yari soo gaadho dhammaanteen inna wada saamaynaysa. Fidmaduna bar bilow ayay leeyihiin. Laakiin, meel ay ku dhammaadaan ma laha, waa ta Soomaalidu tidhaahda balaayadu daaman la qabto ayay leedahay ee dabo la qabto ma laha.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Axmed-Iid.

Waxaanu Sheekha oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxa Axsaabta mucaaridka ah la gudboon kursiga, maamulka iyo madaxtinnimadu waa wareegto oo maalinba nin baa ku fadhiya, waxa wanaagsan inay maalinba cidda ku fadhida aad iyo aad ugu ixtiraamaan oo ay ka digtoonaadaan wax kasta oo dhibaato iyo khal-khal keeni kara.”

“Waa inay iska ilaaliyaan inay yidhaahdaan waxaannu qabanaynaa muddaharaad salmi ah sidaan Jaraa’idka ku arkayay, waayo xaqiiqadu waxay tahay muddaharaad la yidhaahdo waa  salmi ahi maba jirro. Sababtu waxay tahay adigu haddii aad salmi iyo nabad-gelyo ku soo baxday ma kaantarooli kartaa Tuugga meheradaha dadka boobaya. Ma xakamayn kartaa ka danta iyo muraadka leh ee inta uu ku soo dhuunto dadweynaha amnigooda khal-khalin kara? Jawaabtu waa maya.” ayuu yidhi Sheekh Axmed.

Sheekh Axmed Cabdisalaan Aadan waxa uu intaa ku sii ladhay oo yidhi; “Muddaharaad-se ma yahay wax ummadda Islaamku ay ku soo caano-maashay oo Diinteenna lagu yaqaanno? Jawaabtu iyana waa maya. Dawladda talada haysa haddii wax laga tawdo oo cabasho laga muujiyo Islaamku wuxuu jideeyay waddooyin loo saxo oo dadka caqliga iyo cilmiga leh ayay tahay dawladda wixii ka qaloocan inay uga nasteeyaan. Laakiin, haddii aad tidhaahdo wixii khaldama waxaan ku toosinayaa dadka inaan kiciyo. Xaqiiqadu waxay tahay natiijada ka dhalanaysaa inay fool-xumaanayso.”

Sheekhu isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in lagu cibro-qaato muddaharaadyadii Masar ka dhacay, waxaanu yidhi; “Waxaad ku cibro-qaadataan dhiiggii maalintii Miidaanul Taxriir la galay bilaabmay illaa maanta wuu qulqulayaa. Waxaad ku cibro-qaadataan muddaharaad la sameeyaa wuxuu baday Liibiya iyo Tuuniisiya midhihii ka dhashay muddaharaadaddii Carabta dalalkooda bal eega oo ku cibro-qaata. Yaa dammaanad qaadi kara haddii muddaharaad dhaco inaan dhiig daadan? Yaa dammaanad qaadi kara haddii muddaharaad dhaco inaan Xoolaha ummadda la boobin?”

Waxa uu Sheekh Axmed-Iid talo ku soo jeediyey oo uu yidhi; “Waxaan leeyahay mucaaridka oo aan taladooda kaga baxayaa haddii la danaynayo danta dalka inaan muddaharaad lagu baaqin. Waa in toos loola xidhiidhaa cidda laga cabanayo ee la leeyahay wax baa ka qoloocday.”

“Xukuumaddana waxaan kula talinayaa kolba cidda Madaxweynaha ahi waa Waalid, Waalidkuna  Walidkiisa (ilmihiisa) wuu u dul-qaataa, waanu dhegaystaa, dawladda waxa la gudboon inaanay cadhoon oo dadkeeda ay u soo joogsato oo wixii talo ah ay ka qaadato.” ayuu yidhi Sheekh Axmed Cabdisalaan Aadan (Axmed-Iid).

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.