Maxaad ka taqaannaa Mahadhooyinka uu ku suntanaa Aabbihii Xorriyadda Koonfur Afrika?

Nelson Rolihlala Mandela wuxuu 18-kii bishii July sannadkii 1918-kii ku dhashay tuulo yar oo ku dhow magaalada Umtata ee gobolka Eastern-cape ee dalka Konfur Afrika, wuxuuna kasoo jeedaa qoys qowmiyad ah oo lagu magacaabo Xhosa.

Anti-apartheid leader and member of the

Mandela markii uu dhameystay iskuulka wuxuu wax ka bartay jaamacadda Witwaterstrand  oo ku taalla magaalada Johannesburg isagoo ka bartay sharciga ama qaanuunka, wuxuna ku biiray ururka ANC (African National Congress) sannadkii 1944-kii, isagoo kasoo qabtay jagooyin ay ka mid tahay inuu madax u noqdo ururka dhallinyarada ANC.

Waxaa markii dambe xabsiga dhigay dowladdii midab-kala-sooca ahayd ee ay xukumayeen caddaanka waddanka gumeysanayay; iyagoo ku eedeeyay inuu waday abaabul kasoo horjeeda dowladdooda wuxuuna soo dhameystay 27-sano oo xabsi ah oo uu kusoo kala qaatay dhowr xabsi oo ku yaalla dalka Koofur Afrika, hase ahaatee wuxuu xabsigiisa inta badan ku qaatay jasiirada Robben island oo ku dhex taalla badda Atlantic-ga oo ku dhow xeebta Cape Town, wuxuna halkaa kula kulmay jir-dil aad xooggan iyo ciqaab kala duwan  illaa markii dambe uu ku dhacay cudurka qaaxada ama TB-da.

Mandela oo Koonfur Afrika looga yaqaan Madiba waxaa xabsiga laga sii daayay 1990-kii isagoo qudbadiisii ugu horreysay ka jeediyay fagaaraha loo yaqaanno Grand Parade oo ku yaalla bartamaha magaalada Cape Town, hadalkiisii ugu horreyay oo ay dhageysanayeen dad aad u fara badan ayuu ku yiri: “Waxaan doonayaa Dalka Koofur Afrika oo xor ah isku wada mid ah mana jirto wax aar-goosi ah ama cadaawad ah oo loo qaado dadkii dalka soo gumeysan jiray, maanta laga billaabo Koonfur Afrika waxaa leh dadka wada daggan waxayna u noolaanayaan si isku wada mid ah.”

Hadalkaas ayaa noqday mid ay dadka madowga ahi aad ula yaabeen ayna ka dhabeeyeen mana jirin wax aar-goosi ah ama dhul boob ah oo dhacay, dadkii caddaanka ahaa ee dalkan soo gumeysan jirayna aad ayaey ugu farxeen hadalka Mandela.

Nelson Mandela ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee madow ah ee ka taliya dalka Koofur Afrika, waxaana xilka madaxweynenimo loo dhaariyay sannadkii 1994-kii wuxuuna talada dalka hayay illaa 1999-kii isaga ayaana iskii uga dagay xukunka. Wixii intaa ka dambeeyay wuxu ahaa hoggaamiye u ololeeya nabadda, sannadihii ugu dambeeyay ayuu aad u xanuunsanaa isagoo ugu dambeyn geeriyooday shalay oo ahayd shanti bishan December.

Sidoo kale, Mandela waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa nin geesi ah oo dul-qaad badan oo wax kasta ka hor mariya danta dadkiisa iyo dalkiisa, marka uu hadlayo wuu dhoolla caddeyn jiray wuxuna ahaa nin kaftan iyo sheeko badan, wuxuna noqday ninka dunida ugu caansan isagoo qaatay abaal-gudyo aad u fara badan oo ay siiyeen ururrada iyo kooxaha bixiya abaal-gudyada dhanka nabadda iyo wax-qabadka arrimaha bulshada.

Geerida Mandela ayaa waxa si isku mid ah uga naxay guud ahaan shacab-weynaha Koofur Afrika iyo caalamka oo dhan oo ka bixiyay taariikh mudan in lagu wada-daydo.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.