Xildhibaan ku Qarxay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana lagu magacaabi jiray Faysal Warsame Maxamed, ayaa geeriyooday, ka dib markii gaadhi uu watay maanta ku qarxay illinka hore ee xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Wararka ka imanaya Muqdisho, ayaa sheegaya in Gaadhiga Xildhibaanka oo galayay Madaxtooyada uu qaraxu si lama filaan ah ku dhacay, iyadoo goob-joogayaal halkaas ku sugnaa ay sheegeen in qaraxa uu u muuqday inuu ahaa mid Gaadhiga lagu soo xidhay.

“Gaadhiga Xildhibaanka oo galayay xarunta Madaxtooyada ayuu qarax weyn dhacay wuxuuna dhaawac kasoo gaadhay Xildhibaanka iyo Gabadh Xildhibaanad hore oo gaadhiga la saarnayd, Xildhibaankuna wuxuu daqiiqado ka dib ku dhintay Cisbitaalka Madiina,” ayuu yidhi Xildhibaan Sidoow Abaadir oo qaraxa ka dib Saxaafadda la hadlay.

Lama oga ciddii ka dambeysay qaraxaas, mana jirto cid illaa hadda sheegatay inay ka dambaysay qaraxaas, balse wuxuu ka mid noqonayaa qaraxyo dhowr ah oo dhibaato loogu geystay qaar ka tirsanaa  Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo shaqaalaha dowladda.

Ma aha markii ugu horreysay ee Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya qarax lagula eegto Muqdisho, iyadoo lagu dilay qarax Xildhibaan Gadhweyne oo ka mid ahaa Xubnaha Baarlamaankii Ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya, sidoo kalena dhowr bilood ka hor qarax lagula eegtay degmada Xamarweyne Xidhibaan Sheekh Aadan Mad-Deer.

Dhawaan ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay Xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir ku toogteen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya xilli uu ku socday gurigiisa oo Xaafaddaas ku yaallay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.