Jigjiga oo Bandoo lagu soo rogay iyo Wufuud Magaaladaas ku qulqulaysa

Jigjiga(Aftahannews):- Caasimadda Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga, ayaa lagu soo rogay Bandoo, taasoo ka bilaabmaysa lixda fiidnimo, soconaysana illaa lixda subaxnimo, taasoo la bilaabay xalay.

muuqaalka-Jigjiga

Ciidamada ammaanka ayaa wixii ka dambeeya lixda Makhribnimo joojiyey dhaqdhaqaaqa dadwaynaha ku dhaqan magaalada Jigjiga, ka dib markii ay shalay Magaaladaasi soo gaadheen Wufuud hor-dhac ah oo ka qayb-galaya xuska 8-aad ee Qoomiyadaha dalka Itoobiya oo lagu qabanayo Magaalada Jigjiga, kaasoo si aad ah ay ugu diyaar-garowday qabashadiisa dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Bandoodan, ayaa saamayn ku yeelatay dadka reer guuraaga ah ee doonaya inay Magaalada Jigjiga ka soo tukaansadaan ama ay geeyaan wax ay iibinayaan, sida Caanaha.

Sidoo kale, jidadka Magaalada Jigjiga Gala ayaa la ka dhigay dhagaxaan si aan baabuurtu Magaalada u galin, waxaana la dhigay ciidamo dheeraad ah kaantaroolada, sida uu baahiyey Wargeyska Addis Standard, oo sidoo kale wariyey in bandoodu aanay ku koobnayn oo kaliya Jigjiga ee ay jiraan Magaalooyin kale oo ka mid ah Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo habeenkii lagu soo rogay Bandoodan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.