UN, Soomaaliya iyo Puntland oo ka hadlay Qarax ka dhacay Boosaaso

Garoowe(Aftahannews):- Inta la ogyahay 8 qof ayaa ku dhintay, 30 kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay badhtamaha Magaalada Boosaaso ee Maamul Gobolleedka Puntland.

2013125635218266331041077Qaraxaa

Qaraxan oo loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey, ayaa lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamada badda ee Puntland, waxaana wararka ka soo baxay sheegayaan in qaraxaasi loo adeegsaday gaadhi Nooha ah.

Wasiirka amniga ee Puntland, Khaliif Ciise Mudan, oo goor dhow la hadlay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa xaqiijiyey in 8 qof ay dhinteen in ka badan 30 qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan qabaan, waxaanu qaraxaasi ku eedeeyay kooxda Al-shabaab.

Dadka dhintey waxaa ku jira ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Badda ee Puntland iyo afar qof oo rayid ah, waxaa sidoo kale dadka dhintay qayb ka ah qofkii isa soo miidaamiyey ee isagu weerarkaas geystey.

Weerarkan ismiidaaminta ayaa si adag u cambaareeyay Madaxwaynayaasha dawaladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Qoraal uu soo saaray Madaxwayne Xasan Sheekh, ayaa yidhi “Argagixisada waxaa looga guuleystay dagaalkii ay kula jireen ummadda Soomaaliyeed, haddana waxay billaabeen inay shacabka Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan ay laayaan. Insha Allah waan ka guuleysan doonaa, waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinyaa in hal meel ay uga soo wada-jeestaan cidhibtiridda cadawga Soomaaliyeed.”

Madaxwaynaha Maamul Gobolleedka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, oo isaguna “Waan cambaarayneynaa falkaas, ciddii fuliysey, ciddii ka dambeysey iyo ciddii ku faraxday intaba, Ilaahey cadaabtii hakaga aarsado.”

Sidoo kale, weerarkan waxa weeraray Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr Nickalos Kay “Falalka caynkan ah ee fulaynimada ahi waa kuwo bilaa ujeedo ah.” ayuu yidhi Nicholas Kay, Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaanu intaasi ku daray; “Waxaanu garab taagannahay dadka reer Puntland si ay u xaqiijiyaan helitaanka deggenaansho iyo horumar.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.