Weriyeyaal Sharci-darro ugu xidhan Xukuumadda Siilaanyo oo Maxkamadda la hor-geeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Afar Weriye oo maalintii saddexaad ku xidhan Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa, ayaa la hor-geeyay Maxkamadda gobolka Hargeysa, waxaana la diiday in Warbaahinta goob-joog ka noqoto Dacwadda Weriyeyaashaa lagu oogayey iyo waxa ay Maxkamadda kala kulmeen.

Weriyeyaal la xidhay

Wariyayaashan oo la xidhay dorraad, ka dib markii ay ka qayb-galeen muddaharaad nabadgelyo ah oo ay Suxufiyiinta Warbaahinta madaxa-bannaan ee Hargeysa kaga cabanayeen Caddaalad-darro lagula kacay Wargeyska Hubaal ee ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Illaa hadda lama garanayo kiiska loo haysto afartan Weriye oo keli ah maaddaama oo aanay jirin wax dhibaato ah oo ay geysteen. Hase-yeeshee, waxa la sheegay inay Maxkamaddu xukuntay in toddoba cisho oo Rummaan ah lagu sii hayo Xabsiga dhexe ee Hargeysa, lamana garanayo nooca tallaabada laga qaadi doono.

Ciidammada Booliska, ayaa garaacay qaar ka mid ah Weriyeyaashii saaka tagay xarunta Maxkamadda  Gobolka Hargeysa ee afarta Suxufi la hor-geeyey.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.