DHEGAYSO: Jamaal Cali Xuseen oo Xukuumadda ku eedeeyey tallaabo loogu diiday Gabiley

JAMAALGabiley(Aftahannews):- Murashaxa u taagan jagada Madaxweyneha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Masuuliyiin la socday oo Xisbigaa ka tirsan, ayaa maanta laga horjoogsaday in ay galaan gudaha magaaladda Gabiley ee xarunta gobolkaas.

Musharrax Jamaal Cali Xuseen, ayaa isagu ka hadlay tallaabada lagaga hor-joogsaday magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, isla markaana waxa uu diidmada loo diiday magaaladaas ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu xusay inay u adeegsatay Maamulka gobolkaas, waxaanu ku dooday in Xukuumaddu ay dhabbadii Burburkeeda cagta saartay.