Halkuu Ku Dambeeyey Ballan-qaadkii Siilaanyo ee ahaa ‘UDUB Way Tagaysaaye Ha Tahriibin Walaal?’

Waa Dabciga Siyaasiga Mucaaradka ah ee Hamuunta u qaba hanashada kursiga ugu sarreeya ee dal laga hoggaamiyo in uu ku hadlaa xilliga uu loollanka ku jiro in uu isu taagay daboolidda ama wax ka qabashada baahiyaha jira iyo u adeegidda bulsho, isaga oo muujinaya inuu baahiyaha jira ka gaabiyey Maamulka markaa xilka hayaa, si uu ugu soo jiito rabitaanka bulshada, isaga oo dhinaca kale cidda markaa xilka haysa ku dedaalaya inuu nacsiiyo dadweynaha ama indhohooda ku soo jeediyo galdaloolooyinka muuqan kara iyo kuwa aan muuqan Karin-ba. 

ASKAR

UDUB WAY TAGAYSAAYE HA TAHRIIBIN WALAAL

Waxa uu soo bandhigaa dhaliilah iyo Bog-jileeca Maamulka uu mucaaradka ku yahay uu leeyahay.  Waxa uu damqaa Nabarrada ummaddu qabto ee Cid baanata dooneya. Waxa uu sheegaa wax kasta oo bulshadu ugu soo dhawaaneyso, kana fogeyneysa cidda uu mucaaridka ku yahay.

Xusuustiisa kuma jirto in Saxaafad Madax-bannaan shaqaynayso oo ay marka danbe ee uu xilka qabto sii shaqaynayso, isla markaana soo bandhigi doonto waxa markaa jira iyo wixii shalay jiray oo ay bilaabayso la Xisaabtan la xidhiidha waxa uu ka qabtay wixii shalay uu bulshada u muujinayey inay damqayso oo uu markiisa wax ka qaban doono, kuwii markaa joogayna ku cambaaraynayey. Ma xasuusna in la soo bandhigi doono Dhawaaq walba oo beerlaxawsi ahaa oo uu Shicibkiisa ujeediyay.

Somaliland kama madhna mucaaraddada in yar aynu dib ugu noqonno Xiligii uu dalka ka socday ololihii Doorashada Madaxtooyada  ee qabsoontay 26 Jun 2010-kii  iyo tusaalaha maanta jooga, waana Xisbigii ugu tunka weynaa xilligaa Mucaaridka, waa Xisbiga KULMIYE waxay goobkasta iyo fagaare kasta dhegaha ummadda ka buuxiyeen in ay is beddel buuxa ku sameeyn doonaan dalka oo dhan.

Musharrixii Jagada Madaxweyne ee KULMIYE markaa u tartamayey haatan Madaxweynaha maanta Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu meelo kala duwan ka sheegay inay Mudnaanta Koowaad siin doonaan Haddii ay Hoggaaminta dalka ku guuleystaan in ay wax ka qaban doonaan Tahriibka Oo Noqday aafa Qaran xilliga. Waxa wakhtigaa markii Xisbiga KULMIYE ololihii doorashada ku jiray uu dacallada waddooyinka magaalada Hargeysa qaarkood ka taagay Boodhadh waaweyn oo lagu xardhay weedho ay ka mid ahaayeen; ‘UDUB WAY TAGAYSAAYE HA TAHRIIBIN WALAAL) iyo weedho la mid ah oo ujeeddada laga lahaa u muuqatay marka xaaladda maanta loo eego kuwo lagu nagaynayey dhalinyarada dalka ka baxaysay oo markaa iska koobnaaba si codka ay u siiyaan Xisbiga KULMIYE. Waxaanay hal-ku-dhagyadaasi niyad-dhis u noqdeen dhalinyarada reer Somaliland ee dalka waqtigaa ku sugnaa.

Hase-yeeshee filashada ballan-qaadkaasi waxay meesha ka baxday markii uu talada ku guulaystay Madaxweyne Siilaanyo, waxaana inta uu Somaliland hoggaaminteeda hayey toban jibbaarmay dhalinyarada sida is-daba-joogga ah dalka uga baxaya, si ay u raadsadaan nolol ta dalka maanta ka jirta dhaanta, kuwaasoo dhibaatooyin badan, dhimasho, dhaawac, xadhig, xad-gudubyo iyo waxaan qoraal lagu soo koobi Karin kala kulma jidadka Saxaraha Afrika iyo Badweynta Liibiya iyo Talyaaniga inta ay safarka ku sii jiraan, iyaga oo u sii jeeda inay Yurub u gudbaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa sida Cadceedda u muuqata in ballan-qaadkaas iyo kuwo kale oo badan-ba ay Xukuumadda Siilaanyo iyo Xisbiga KULMIYE ku fashilmeen wax-ka-qabashadooda, isla markaana ay Bulshadu weli u dheg-taagayso, indhahana ku hayaan halka ay ku dambayn doonaan iyada oo waqtiga Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa u hadhsani yahay muddo laba sano ka yar, haddana waxa la dhawrayaa inay sidaas ku dhammaysato iyo in kale.

.Askars4@hotmail.com

Qalinka C/qaadir Ismaaciil Askar

Hargeysa/Somaliland.