Waa maxay sababta Dhallinyaradii hore Hal-xidhaale isugu jirrabi jireen?

Inta aynaan ka warcelin waydiintan kor ku xusan aan milicsi kooban ku samayno habdhaqankii bulshadii waagaa aan ka waramayno iyo sidii macaamilkoodu uu ahaa. Sidii u noolaa una dhaqmi jiray qoyskii soomaaliyeed ee hore.

Axmed-Yaasiin

Qoyskii hore ee soomaalidii raacata iyo reer-guraaga ahayd. Wuxuu ahaa mid u dhaqma si ay ku dheehantahay xurmo iyo xilkasnimo marka aad ka eegto meelo badan oo maamulka iyo macaamilka qoyska ah. Sida la wada garan karo qoysku wuxuu ka koobanyahay: Aabbo, Hooyo iyo Carruur. Carruurtuna waxay kalayihiin Wiilal iyo Gabdho.

Talada qoysku waxay ka go’I jiray Aabbaha oo amarka iyo wax u sheegidda siin jiray Hooyada iyo wiilsha. Halka hooyadu ay iyadu ku gooni ahayd hablaha iyo wax u sheegiddooda uma jeeddo in aabbuhu aanu hablaha waxba u sheegi jirin balse maaddaama oo aanay aabbaha iya habluhu intabadan is arkayn maaddaama oo aabbuha iyo inamadu u qaabilsanaayeen soo qabashada hawlaha qoyka kaga xidhan guriga bannaankiisa, xerinta xoolaha iyo daaq gayntooda,  laakiin cidda ay mar walba ka ag dhow ee isha ku haysaa ay tahay hooyada oo goor kasta ay gooni ula jooggaan lana qabtaan hawlaha guriga ee ay ka midyihiin: Tumidda moyaha, Lulidda haamaha caanaha, Samaynta harrarada, Kebdaha iyo Alloolka. Wax kasta oo ay qabanayaanna ay tahay mid ka warka haysa, waa in ay iyadu wax u sheegtaa oo waxa ka qaldanna ay u toosisaa waxa ay ku saxsanyihiinna ay ku hambalyaysaa.

Maaha maahahani, waxay muujinayaan in ay hooyda iyo habluhu mar walba iska ag dhawyihiin. Inantuna ay tahay mid hooyadeed dhaqankeeda uun laga dheehho.

Inani waa hooyadeed

Haweenka iyo Geellaba, waa la hidda raacaa

 Inanta hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana haadiskiisa way baran.

Aabbuhu, marka uu arko inan si aan habboonayn u socota isagu ula ma af-bixi jirin ee wuxuu la u sheegi jiray hooyadeed oo uu odhan jiray waa inaad inanta hablaayo u fiirasataa dhaqankeedu ilama wacna. Hooyadu laga bilaabo maalintaa waxay aad ugu fiirsan jirtay inanteedaa iyo hab dhaqankeeda qofnimo sida uuyahay. Iyada oo eegi jirtay inanteeda iyo siday u hadlayso ma mid hadalkeedu sarreeyo oo dhawaaqeeda meelo durugsan laga maqalaa, ma mid marayaheedu ay heer heer iyo baro wasakhaysan leeyihiin oo nadaafaddeedu liidataa, ma mid marka ay waxa cunayso labada canba wax ku cuntaa, ma mid aan hawlkar ahayn oo hawsha loo diro aan siddeeda u qaban baa, ma mid samirkeedu liito oo gacan iyo gafuurtaag badan baa.

Waxa is weydiin leh maxay hooyadu inanta qodobadan oo dhan uga eegaysaa?. Meel foga adiga oon ka doonin warcelinta waydiintan wax aad maanka ku haysaa in inanta maantu ay tahay hooyada berri toole. lagu balamiyay iyo wax ka bedeliddeeda iyada oo af  iyo adin ba u adeegsan jirtay wax ka qabashada arrintaa inanteeda. Hooyadu laga bilaabo maalintaa waxay aad ugu fiirsan jirtay inanteedaa iyo hab. Waxa is weydiin leh maxay hooyadu inanta qodobadan oo dhan uga eegaysaa?. Meel foga adiga oon ka doonin warcelinta waydiintan wax aad maanka ku haysaa odhaahda tidhaa:

Inanta maantu waa hooyada berri.

Haddii ay dhacado in inanta ay hooyadeed gacan ugu qaaddo marka ay af  iyo odhaahba ay ugu taaga waydo oo ay inantu aabbaheed dhankiisa u carrarto iyada oo doonaysa in uu aabbaheed ka celiyo wuxuu aabbaheed ku odhon jiray “iska daa waxa hooyadaa kugu dilayso”  waanu iskaga dhaqaaqi jiray.

Dhanka kale mar walba hooyada iyo aabbuhu waxa mid walbaaba dhankiisa u waanin jiray wiilasha iyo gabadhaha ay dhaleen iyaga oo waxa ugu badan ee dhallinyara laga waanin jiray ay ahayd gaar ahaan gabdhaha inay xushaan cidda ay nolosha la wadaagayaan maaddaada uu yahaya guurku midowga laba qof oo nolosha maalintaa ay isku xalaalloobaan inta uga dhiman wada qaadanaya una dhaqmaya sidii qof  keliya mid walbaabana uu ka kale u ahaanayo mid waax jidhkiisa kamida waa in ciddaas aad sidii hal naf  u macaamilaysaan uu ahaado mid aad waxaagtaan,Dabeecadda, Dadnimada, Daamiirka, Garaadka, Naxariisata iyo waxkasta

Oo nolosha lagama maarmaan u ah.

Tallooyinka ay waalidiintu siin jireen awlaaddoodu waxay ahayd mid ay doonayeen inay ka dhex ka taageerto aayahooda nololeed ee dambe kuwaas oo u ahaa dhaxal ay xataa kuwa imika lagu leeyahay ay ku odhon doonaan ubadka ay dhali doonaan.

Hablaha ayaa waxa ka mid ahaa tallooyinka la siin jiray hablaha iyada oo waalidkeed ku leeyaahay odhaahdan dareen taabasha leh:

“Naahooy Guur  waa kole u kaadso”.

Markaad dhab ahaan u dhadhamiso murtidan macnaha weyn xambaarsan iyo dulucda qotoda dheer ee ay xambaarsantahay waxaad dareemaysaa in uu bulshadii hore ceeb iyo dhag-xumo ku ahaan jiray dhex dooda furniinka maanta aadka inoogu bad

Waxa murtidani ay dhaxalsiin jirtay inata lagu yidhaahdaa In ay aad ugu meel daydo saygeeda ay doonayso inay noqdaan lamaane nolol wadaag yeesha, waxaanay noqon jirtay gabadh wiilkasta oo u soo haasaawe tagay waydiin jirtay hal-xidhaale ay doonayso in ay ku ogaato heerka ay gaadhsiisantahay garashadiisa iyo garaadkiisa maskaxeedba. Xaasha ‘ e ma ahayn inantii waagaas noolay mid ku raacda lamaannaheeda nolosha maalkiisa iyo hadba in uu yahay dhaqaalihiisu manay ahay mid milicsata muuqaalkiisa guud. Maxaayeelay maaha arrimahaasi kuwo qofka aadamaha ah noloshiida la qaata ee waxay aaminsanaayeen in ay hantidu tahay wax qofka haystaa aanu sheegi inta inta ay hantidaasi gacantiisa ku sii jiri karto. Dhanka kale waxay ogsoonaayeen in qofka maanta ay cantiisa ka maqantahay uu berry heli karo sida laga dheehan karo tixahan:

Hasha iyo adduunkuna

Hadh wareega weeyoo

La helaa la waayaa

Meel dheerna way kala tagaan, kay ku dhawdahaye

Meel dhawna wuu kula kulmaa, kay ka dheertahaye

Waxay gabadh kastaaba isku deyi jirtay marka uu gayaankeed ku u soo haasaawe tago ina ay ku asqayso jiran iyo hal-xidhaale ay uga danleedahay in ay ku ogaato garaadkiisa iyo kastiisa

Maaddaada oo garashadu ay tahay waxa keliya ee qofka raasamaalka u ah. Haddii uu noqdo nin si habsamileh ugu warceliya waydiimaheedaa ku salaysan qiimaynta waxay isku deyi jirtay in ay la sii wado haasaawaha iyo hadallada guurka iyo gayaan waydaarsiga ah.

Haddii aynu soo qaadanno qaarka mid ah hal-xidhaalayaasha dhaxal ahaanta aynu uga haysano dadkaa aynu ka hal-waranayno hadalladooda ee inooga soo horeeyey halkan aan eegga ku noolnahay. Waxa ka mid ahaa kuwn:

Sida la weriyo waxa layidhi: gabadh ayaa wax u soo haasaawe tagay wiil gayaankeeda iyo gadaheedaba ah.  Gabadhii, waxay waydiisay  hal-xidhaaleyaashan:

“Dhulka duub, dhagaxanna sooh” ?

Wiilkii, wuxuu gabadhii ugaga warceliyey jirabkeedii sidan:

“Dhulka aan duubee horta adigu ka kac.

Dhagaxanna aan soohee adigu soo calali”.

Waxa sidoo kale la wariyaa in gabadh uu aabbaheed ku yidhi “Aabbo nin ayaan ku siiyay ee waa in aad sidaa ula soctaa”. Gabdha waxay aabbaheed waydiisay “Aabbo ninkan aad I siisay miyuu yahay nin qodobadan leh”:

Huba la’aan ma dagaallami karaa

Hoya la’aan ma  gam’I karaa

Hanta la’aan ma dhergi karaa.

Aabbaheed wuxuu ugu jawaabay aabbo ma aan soo warsado in uu yahay iyo in kale.

Ninkii markii odaygii uu waydiiyay wuxuu yidhi adeer, kolay ereyada inantu waa sarbeeb mana garanayo waxay ugu jeeddo in aana ahay iyo in kale waxan ay gabadhu sheegayso.

Inantii waxay aabbaheed ka codsataya in uu ka daayo guurka ninkaas. Mudo markii ay ka soo wareegtay ayaa gabadhii uu u soo haasaawe tagay wiil da’adeeda ahi. Salaan dabadeed markii ay ogaatay waxa uu wiilku usocdo waxay waydiisay kaftan dabadeed saddexan iyama kee ayaad tahay?. Wiilkii isa oo aan fahansanayn waxa ay gabdhu kala hadlayso ayuu haddana garanmayadii isaga oo ka meermeeraya uu yidhi intaba waan ahay. Gabadhii oo dareensan in aanu fahansanayan wiilka waxa ay kala hadlaysaba in aanay fahansanayn. Waxay ku tidhi gabadhii “ iska tag imika oo waxaad ii timaadda marka marka ay waaweynku seexdaan yaryarkuna soo jeeddaan” .

Markii uu ka tagay wiilkii inatii isaga oon fahansanayn waxa ay waydiisay iyo goorta ay la balantay midna. Wuxuu raadiy wiilkii cid u sheegta wakhtiga  ay yaryarku soo jeedaan waaweynkuna seexdaan milayga ay tahay, taasi muddo ayay ku qaadatay inuu helo ciddii u sheegi lahayd. Wuxuu maalinba ruux waydiiyaba ayaantii dambe ayuu u helay qofkii uga sheegi lahaa. Markii loo sheegayba wuxuu beegsaday bartii uu ka heli lahaa baxsantii waydiisay.

Cagidii uu u yimidba wuxuu u horaysiiyay heblaayo maalintii aan halkanga tagayba maan fadhiisan waxaanan ku foognaa hawl iyo hantaaqo adduun xoolo dib jiray doon doonnidood, kuwo dekaansan dabayntood iyo arrimo kale oo lamida. Markaa imikaan wakhti kuu soo helay xilligaad ila balantayna maaha goor gabadh loo iman karo markaa waa sidaa.

Gabadhii way garatay in uu intaaba ku maqnaa baadidoonka jawaabtan. Waxaanay ku u sheegtay in haddii uu is baro iyada iyo wiilkii uga soo jawaabay in ay abaal badan u hayn doonto arrintaas oo wiilkii uu ka cadhooday gabadhiina kaga dhaqaaqay.

QALINKII: AXMED-YAASIIN C.RAXMAAN AXMED (DOOL)

Lasoco qaybta dambe….