“Dawladi ma jirto waligay maan odhan, laakiin hadda ayaan leeyahay ma jirto..” Cali-Guray

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sidii ugu adkayd u hadlay, isla markaana markii ugu horreysay ku dhawaaqay inaanay Somaliland dawladi ka jirin.

Cali-Guray

Cali Guray, waxa uu sheegay inaanu hore u odhan dawladi ma jirto, hase-yeeshee, uu hadda leeyahay dawladi ma jirto. Waxaanu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu caawa ku baahiyey boggiisa uu ku leeyahay Barta xidhiidhka dadweynaha ee Facebook.

“Dawladi ma jirto waligay maan odhan, laakiin hadda ayaan leeyahay. Haddaa ma waxa la aqbali karaa in isaga iyo inta ag-joogtaana ay ummaddii yihiin dadka inta kale oo dhami na ay Addoomahoodii yihiin?. Waar wax dawlad la yidhaa ma jirto intay sidan tahay. Anaaaaaa idhi oo leh ma jirto dawladi.” Sidaa ayuu qoraalka uu Facebook ku soo baahiyey caawa ku yidhi Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali-Guray.

Cali-Guray oo u muuqda inuu uga cadhooday tallaabada Maamulka gobolka Gabiley kaga hor-istaageen Wefti Xisbiga UCID ka socda oo uu hoggaaminayo Musharraxa jagada Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen oo maanta loo diiday inay galaan gudaha magaalada Gabiley, waxaana muujinayaa qoraalkani sida dareenkiisu kor ugu kacay, hase ahaatee, kalmadda dawladi ma jirto waxay noqon kartaa dembi.

nuuraani90@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.