Xanuun ka dillaacay mid ka mid ah Jaamacadaha ugu da’da weyn dalka Maraykanka

Washingtown(Aftahannews):- 8 ka tirsan Ardeyda dhigata Jaamacadda Princeton la yidhaahdo oo ku taalla magaalada Washingtown ee waddanka Maraykanka ayuu ku dhacay cudurka Menigitis noociis loo yaqaan B, sida ay xaqiijiyey Waxaada Caafimaadka guud ee dalkaasi, cudurkaas oo la mid ah waxa ay Soomaalidu u taqaanno ama ugu yeedho Qoor-gooye.

princeton-university-president-explains-why-the-school-takes-a-much-higher-number-of-legacy-applicants

Saraakiil ka tirsan Maamulka sare ee Jaamacadda Princeton waxay ku taliyeen in loo dalbado Tallaalka Eurpean si Ardayda loogu tallaalo, maaddaama oo aanu ool dalka Maraykanka Noocan B ah, Tallaakaas oo bilaabmi doona 9 Dec 2013. siday sheegeen Saraakiisha Jaamacaddu.

Ardayda Jaamacadda Princeton ee uu xanuunkaasi soo riday, ayaa la dhigay Cusbitaal ku yaalla magaalada Washingtown, si halkaasi loogu daweeyey, isla markaana loola tacaalo xaaladdooda caafimaad. Waxaana cudurkaasi calamada lagu garto ee qofka uu ku dhaco ku keeno ka mid ah xumad aad u sarreysa, madax xanuun iyo qoorta oo adkaata.

Wejiga koowaad ee Tallaalka ay dalbadeen Maamulka Jaamacaddu, ayaa loo qorsheeyey in uu socdo muddo 4 maalmood ah oo la tallaali doono dhammaan Ardeyda Jaamacadda Princeton. Halka wareegga labaadna loo qorhseeyey uu noqon in la bilaabo bisha labaad ee sannadka cusub ee 2014-ka.

Cudurkani illaa hadda kumuu faafin shaqaalaha Jaamacadda, umana gudbin qololkooda  ama qaar ka mid ah iyaga. Cudurkani wuxuu ku faafi karaa Neefsashada, Qufaca, Hindhisada iyo Dhunkashada casriga ama iyadoo la wadaago Weelka Cuntada sida Koobka, Malqaacadda iyo wixii la mid ah.

Sida lagu baahiyey university website stated qeybta cudurRada faafa iyo saraakiisha caafimaadku waxay ku taliyeen in la xoojiyo lana sii wada habka loo qorsheeyey in lagu xakameeyo faafitaankiisa, si bulshada inteeda kale looga badbaadiyo si aanu cudurkani ugu sii fidin.

Jaamacadda Princeton, ayaa ka imd ah Aftarta Jamacadod ee ugu da’da wayn Jaamacadaha waddanka Maraykanka, taasoo ku taalla Washington, waxaanay leedahay 1100 Fakal ama qaybood, waxaana lagu dhigtaa culuun kala duwan, kulliyadda ugu sarraysa waxa ka qalin-jebiya markiiba shan kun iyo laba boqol (5200) oo Arday. Iyada oo waqtigan oo xanuunku ka dillaacayna ay ku jiraan Arday aad u tiro badan oo Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddaas wax ka barta.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.