“Saacid waxaan Ku Tilmaami Karaa inuu yahay Dhibbane Siyaasadeed…” Prof: Axmed Ismaaciil Samatar

Minnisota(Aftahannews):- Prof, Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa hadlay go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonida kagala noqdeen isla markaana ay ku rideen Xukuumaddii uu gadhwadeenka ka ahaa Raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ee Soomaaliya,waxaanu Prof,Axmed Ismaaciil Samatar tilmaamay in qaabka loo riday Xukuumadda Saacid ay cashar u tahay Raysal-wasaare kasta oo yimaadda isla markaana ka dhego adayga amarrada ka so baxa Madaxweynaha Soomaaliya.

prof-300x198

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo  ridista Dawladda Raysal-wasaare Saacid kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu  ku leeyahay FACEBOOK ayuu ku sheegay inuu Raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon  yahay geesi qaatay go’aan aan dad badan laga fili karin oo ah inuu aqbali doono waxkasta oo ka soo baxa baarlamaanka kuwaasi oo hadalkiisa kadibna soo saaray cod ay ku ridayeen xukuumadiisa.

Tilmaanta uu ka bixin karo Saacid Farax ayuu ku sheegay inuu yahay dhibane siyaasadeed oo ay xaalad adegi kasoo wajahday Madaxtooyada Soomaaliya oo xukunkii dalka  isku koobtay,waxaanu intaa ku daray Prof.Axmed Ismaaciil Samatar inay tallaabadaasi tahay mid mar kasta hor taallaninka bedeli doona Saacid oo uu sheegay in isna sidaasuun loo ridi doono haddii uu u dhego nuglaan waayo ammarada ka soo baxa Madaxweynaha Soomaaliya.

“PM Cabdi Faarax shirdoon Saacid , waa nin geesi ah markaan arkay qaabka uu u aqbalay go’aanka ay gaadheen raga xildhibaanada ah ee Madaxtooyada Soomaaliya laga soo abaabulay , laakiin waxan ku tilmaami kara inuu yahay (Political Victim) ama dhibane siyaasadeed, Tani waxay cashar u noqon doontaa nin kasta oo lagu bedelo Saacid markuu fulin waayo danaha gaarka ah ee Madaxweynaha in lacag loo adeegsan doono xilkana laga qaadi doono.’ ayuu yidhi Prof,  Axmed Ismaaciil Samatar ku yidhi fariintan kooban ee uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay bar kulanka bulshada ee Facebook.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.