Xisbiyada UCID iyo WADANI oo Xukuumadda ku eedeeyey Musuqmaasuq iyo Qaraabo-kiil

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADANI, ayaa musuqmaasuq, eex, qaraabo-kiil iyo caddaalad-darro ku eedeeyey Xukuumadda Somaliland, isla markaana si adag u dhaliilay qaabkay u dhaqmayso.

“Guuldarooyinka xukuumadda Kulmiye ee sida isdaba jooga ah isaga soo dabadhacaya waxaa ka mid ah. Milgihii dawladnimo, kala danbayntii, iyo wax wada-lahaanshihii bulshada Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa meesha kasii baxaya”ayuu yidhi Hanti dhowraha Guud Ee Xisbiga Wadani Md. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) oo war-saxaafadeed ka soo saaray daldaloolooyinka xukuumadda ka muuqda.

“Xukuumadda Kulmiye oo si badheedh ah u cadaysatay Musuqmaasuqa ka dhex jira iyo laaluushka aafeeyey dhamaan hay’adaha ay fulintu kow ka tahay islamarkaasna saameeyey Caddaaladda iyo  Garsoorka  dalka. Sida uu caddeeyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade in bahda caddaaladdu ku shaqayso laaluush iyo wax is dabamarin ay kasoo dheegatay xukuumadda uu wasiirka ka yahay. Waxaanu leenahay Wasiir  Geela Duqdiisi Durdurisay Aarankiisana Maxaad Mooday”ayuu ku duray hadalkiisa.

“Marka ay Madaxtooyada qaranka iyo wasiirada xukuumada Kulmiye, hantida umadda ku bixiyaan laaluush iyo guulwadayn  iyo mansab-bixin iyo shaqaalayn beelaysan oo caddaaladda ka fog si ay u meel marsadaan ujeedooyinkooda ay danaha gaarka ah ka leeyihiin. Maxaa bahda garsoorka  iyo Caddaaladda  laga fili karaa oo aan ahayn in ay maraan  waddada musuqa ee ay xukumaddu bartay”ayuu yidhi isagoo ka jawaabaya hadalkii ka soo yeedhay wasiirka Arrimaha gudaha uu ku eedeeyey inay garsoorku laaluush ka qaataan dadweynaha.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Waran Cadde ayaa Garsoorka ku edeeyey inay dadka la xidho si fudud usii daayaan ka dib marka ay ka qaataan lacag, waxaanu sheegay inay arrintaasi ka wada hadli doonaan waaxda garsoorka.

Dhinaca kale, xisbiga UCID ayaa isna cambaareeyey xadhigii lagula kacay gudoomiyaha xarunta dhaqangelinta caruurta darbi jiifka marwo:Luul Xasan Mataan.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxa u soo mara foojarka deeqda yar ee ay xukuumaddu ugu deeqdo 150 ka mid ah caruurta lagu xanaaneeyo xaruntaasi oo min 4000 SL Shillings maalintii ay siiso ilmihiiba, taasna macnaheeduna maaha in ay wasaaraddu si toos ah iyo si dedban toona u maamusho xaruntaasi. Iyada Oo 7 bilood Wasiirka Shaqada Iyo Arimha Bulshadu Sifo Sharci daro ah Waraaqo Bedelaad ah ugu qorayey Gudoomiyaha Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Derbajiifka Marwo Luul Xasan Mataan”ayuu yidhi Yuusuf Keyse xoghayha warfaafinta ee xisbiga UCID, waxaanu sheegay inay cambaaraynayaan xadhiga lagula kacay gudomiyaha.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.