Dhallinyaro ku xidhnaa Xabsiyada Jasiiradda Maldives oo Gaalkacyo laga soo dejiyey

Gaalkacyo(Aftahannews):- Garoonka diyaaradda magaalada Gaalkacyo ee C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa maanta laga soo dajiyey 40 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo muddo ku xir-xirnaa xabsiyada ku yaalla jasiiradda Maldives.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Dhallinyaradaan waxaa la sheegay in xabsiyada ay ugu jireen falal la xiriira inay kusoo xad-gudbeen biyada jasiiradda Maldives, waxayna dalkaasi ku xirnaayeen tan iyo sannadkii 2009-kii.

Agaasimaha la dagaallanka burca-badeedda Puntland, C/risaaq Maxamuud Dirir oo dhallinyaradan waday ayaa warbaahinta u sheegay in dadaal dheer ay muddo ugu jireen sidii dhallinyaradan dib xoriyadooda ugu heli lahaayeen ayna ku guulestan xilligan dadaalkoodii.

“Waxaan maanta keenay dhallinyaro gaaraysa 40 kuwaasoo aan ka keenay jasiiradda Maldives, waxaana tan iyo 2009-kii ay ku xirnayeen xabsiyo ku yaalla jasiiraddaas, runtii marxalado badan ayay soo mareen, waxayna intaa u xirnaayeen waxaa ugu horreeya dowlad la’aanta ka jirta dalkeenna, balse xilligan waan ku guulesanay inaan dhallinyaradan xorriyadooda u soo celino, waxaana xaqiijinayna dhallinyaradan inaysan ahaayn burcad-badeed, iyagoo u xirnaa inay ku xad-gudbeen biyaha jasiiradda Maldives,” ayuu yiri C/risaaq Dirir.

Sidoo kale, wuxuu shaaciyay agaasimuhu in la dagaalanka burcad-badeeda Puntland in dhalinyarada maanta ay keeneen ay yihiin kuwo xor ah oo aan xabsi dambe ku laabanayn, isagoo intaa ku daray in Puntland xilli walba ay ku dadaalayso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xir-xiran dalal dhowr ah loosoo dayn lahaa, maadamaa uu sheegay qarkood inay dhibaatooyin badan qabaan.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa  marar badan soo celiyay tiro dhallinyaro ah kuwaasoo ku jiray xabsiyada dalal dhowr ah oo u xiraa falal burcad-badeednimo ah.

Aftahannews.com

Gaalkacyo/Soomaaliya.