Kenya Oo Isku Khilaafsan Dib-u-ceilnta Qaxoontiga Soomaalida Ee Dalkeeda Ku Nool

Nairobi(Aftahannews):- Xildhibaanka degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi Yuusuf Xasan, ayaa sheegay in qoxoontiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya aan si khasab ah dalkoodii loogu celin karin, basle ay sii joogi degganaan karaan Xeryaha ay ku jiraan hadii ay door-bidaan.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka hadlayay kulan ku saabsan dib-u-celinta qaxoontiga Soomaalida oo ka dhacay Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ayuu ku sheegay in heshiiska dib u celinta qaxootiga Soomaalida ay dhawaan saxeexeen dalalka Kenya, Soomaaliya iyo weliba Hay’adda UNHCR aanu dhigayn in qaxoontiga Soomaalida si khasab ah dalkooda loogu celiyo.

Shir_Islii5

“Qoxootiga Soomaalida ah ee Kenya ku nool si khasab ah dib loogu celin karo dalkoodii, waxaana muhiim ah in la ogaado in cidina aanay ku khasbi karin Soomaalida inay ka tagaan Kenya.” ayuu yidhi Yuusuf Xasan.

Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay Soomaalida ku nool Kenya inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa ammaanka, loogana hor-tagi lahaa falalka wax u dhimi kara nabadgelyada ee ay geysanayaan koox yar oo nabadda kasoo horjeedda.

Hadalka Xildhibaanka, ayaa imaanaya iyadoo bishii hore uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku in la xidhayo dhammaan xeryaha qoxoontiga ee Kenya ku yaalla qoxoomtiga Soomaalida ahna dib loogu celinayo dalkoodii.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool in ka badan milyan qaxoonti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo intooda badan ku jira Xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

Kulanka ka dhacay Islii ee lagaga hadlayay arrimaha dib u celinta qaxoontiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool ayaa waxaa si wada-jir ah u qabanqaabiyay hay’ad Kenyan ah oo u doodda xuquuqda qaxootiga iyo ganacsatada Islii.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Westgate Mall oo mas’uuliyaddisa ay sheegatay Al-shabaab, ayaa waxaa Xukuumadda Kenya ay dedaal xooggan ugu jirtay sidii ay qoxoontiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool dib loogu celin lahaa Soomaaliya.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.