Wasiir Xirsi oo Si qiiro leh uga hadlay Duruufaha Naafada Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo maanta ka qayb-galay Munaasibad lagu xusayey Maalinta caalamiga ah ee Naafada oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey Guusha.com, kaga dareen celiyey xuskaas iyo dareenka Xafladdaas uu kala kulmay.

xirsi1

Qoraalka Wasiirku baahiyey ayaa u dhignaa sidan:- “Waxaa Naafo ah Qofkii Qalbiga Ka Naafooba, idinkuse ma tihidin Naafo….Waxay ahayd maanta (shalay) ka dib markaan ka qaybgalay maalin loo asteeyey in ay ku suntanaato maalinta Naafada Adduunka.

Waxay ahayd madal dareen iyo qalbi taabad badan, ujeeddada kulankan ayaa ahayd in aan la soo dareen qaybsanno una muujinno taageero iyo garab buuxis, isla markaana loogu qaybiyo qalab isugu jira Mootooyin iyo Baskiilado Walaaleheenna waayey qayb/qaybo ka mida jidhkooga ama ka naafoobay.

Erayga naafo ‘Disability’ waa qof xubin ama qayb ka mida jidhkiisu shaqadii loogu talogalay qaban kari waydo, sidii ay doontaba ha ugu timaaddee. Alle (S.W.T) wuxuu qayb ka mida bulshada uga qaada laxaadka waa ka kale haku cibro qaato, kan laga qaadayna waa imtixaan iyo derajo uu Alle la damcay in uu mariyo ama gaadhsiiyo.

Allaah waxaan idiinka rejaynayaa in uu imtixaankaas idinku caawiyo in aad ku guulaysataan, derajo iyo Jannooyin sarena idiinku beddelo xubnihiini la idinku imtixaamay. Waxaan idin leeyahay ma tihidin Naafo, mar haddaad leedihiin qalbi uu Alle ka buuxiyey Iimaan iyo Islaanimo, ma tihiin Naafo mar haddaad shaqaysanaysaan lana xuquuq iyo xeer tihiin bulshada inteeda kale, ma tihiin naafo oo waxaa Naafo ah qofkii qalbiga ka naafooba.

Ka Xukuumad ahaan ixtiraam iyo garab ayaad naga mudan tihiin Insha Allahu marwalbana diyaar baan u nahay taageeradiinna iyo garab-joogsigiinna. Bulshada inteeda kalena waxaan kula dardaarmayaa soo dhawaynta iyo garab-siinta Walaalohooda waayey laxaadkoodii qaybo ka mid ah.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidih Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.