Xukuumadda Siilaanyo oo Xidhxidhay Weriyeyaal ka muddaharaaday Tacaddi lagula kacay

Hargeysa(Aftahannews):- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa xidhay Afar Wariye oo ka mid ahaa koox Suxufiyiin ah oo maanta sameeyay Muddaharaad salmi ah oo ay kaga cabanayeen caddaalad daro Wargeyska Hubaal ka tirsaday xukuumadda, ka dib markii la siidaayay nin u xidhnaa weerar 7 bilood ka hor xaruntooda lagu qaaday oo hal qof ku dhaawacmay.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Ciidammada Booliska, ayaa xidhay afarta Weariye oo ka kala tirsan hay’adaha Warbaahinta Madaxa-banaan ee ka hawl-gala Magaalada Hargeysa, waxayna ku xidheen saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Wariyayaasha oo hadda ku xidhan saldhiga dhexe, ayaa la diiday in eheladoodu u geeyaan qadadii ama arkaan, iyada oo aan la garanayn sababta ciidamada ammaanku sidaasi ugu cadaadinayaan.

Mudaharaadka salmiga ah ee Wariyayaasha loo xidhay, ayaa waxa soo abaabulay Wargeyska Hubaal oo gacan ka helaya ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo ururrada xuquuqal iinsaanka u dooda qaarkood.

Weriyeyaashan maanta la xidhay, ayaa tirada Suxufiyiinta Somaliland lagu xidhay intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay tan iyo 27 Julay 2010, ka dhigaysa tiro illaa 123 Weriye lagu qiyaasay, iyada oo intii ay Xukuumaddani jirtay markii ugu horreysay dil toos ah Kooxo hubaysani ku fuliyeen Weriye ka tirsanaa TV-ga Universal.

Wergeyska Hubaal ayaa laba Nin oo ka tirsanaa Booliska Somaliland ay weerar ku qaadeen goor habeennimo ah, kuwaasoo Xarunta Wargeyska iyaga oo hubaysan ugu galay Maamulka iyo Shaqaalaha, isla markaana halkaa dhaawac ugu geystay Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo ay Gacan ka jabiyeen, kuwaasoo mid ka mid ah ay Shaqaalaha Wargeysku gacanta ku dhigeen, isla markaana Booliska u gudbiyeen, kaasoo xidhnaa intii hore, hase ahaatee, sabab la’aan ay Xukuumaddu ku sii daysay iyada oo aan kiiskiisa wax Maxkamad ah loo gudbin.

Xukuumaddu dhawr bilood ka hor ayay Xayiraad ay ku soo rogtay Wargeyska Hubaal ka qaadday, ka dib waanwaan iyo wadahadal ka dambeeyey Xadhig iyo Ganaax ay kula kaceen Maareeyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Hubaal Xasan Keefkeef iyo Maxamed Caloolay, ka dib markii uu Wargeysku muddo saddex bilood ku dhaw xayirnaa.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa u muuqata mid cagta saartay bilawgeediiba jidka Cabbudhinta iyo ku tacaddiga Weriyeyaaasha iyo Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Somaliland ka hawlgasha.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.