Tacsi Tiiraanyo Leh

Guddoomiyaha Somalilandtoday Media Group Muniir Axmed Cigaal, Tifaftiraha Wargeyska Somalilandtoday Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Faysal Xiis Weerar (Afgaab), Cabdiwahaab Axmed Cabeeye, Cabdiqaadir Ismaaciil Baaruud (Askar), Siciid Cabdi Xuseen, Mustafe Axmed Keyse (Mr. Mark) iyo guud ahaanba Hawl-wadeennada Somalilandtoday Media Group waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Deeqa Aadan Cabdi oo aannu ka tacsiyadaynayno geerida naxdinta leh ee ku timi Abtigeed Axmed Maxamed Muuse (Shoodhe) oo shalay lagu aasay magaalada Hargeysa oo uu ku geeriyooday. Waxaannu Illaahay uga baryeynaa Marxuumka inuu u naxariisto oo Janno Fardawsa ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Axsaabta uu ka baxay dhammaan.

Aammiin………Aammiin………..Aammiin……….Allaah Ha Aqbalo.

tacsi1