Jabuuti oo Dawo ku Caawinaysa Somaliland iyo Xaglo-toosiye oo ka hadlay

Hargeysa(Aftahannews):- Dawladda Jabuuti, ayaa shaaca ka qaadday inay Somaliland soo gaadhsiin doonto Dawooyin kala duwan oo ay ugu Deeqday, si ay Somaliland wax ugaga qabato Baahiyaha dhinaca Caafimaadka, gaar ahaan Dawooyinka ee dalka ka jira, sida uu shaaciyey Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).

Xagla-toosiye

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xagli-toosiye), oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu soo dhammaystay safar shaqo oo uu ugu maqnaa waddanka Jabuuti. Wasiirka oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaa ka war bixiyey Safarka uu kaga soo noqday magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiir Xaglo-toosiye waxaa uu sheegay inuu Safarkiisu la xidhiidhay hawlaha dhinaca Caafimaadka, isaga oo sheegay inay Masuuliyiinta Caafimaadka ee dawladda Djabouti ay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen hawlaha horumarinta Caafimaadka ee labada dal.

“Waxaan waddanka Djabouti u tagay hawlo la xidhiidha iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labada waddan iyo sidii aannu waddankaas (Jabuuti) isaga kaashan lahayn hawlaha dhinaca caafimaadka. Waxaana waddankeenna soo gaadhi doona dhawaan Deeq Dawooyin ah oo ay innagu caawisay dawladda Djabouti.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo-toosiye, oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa Warbaahinta kula hadlay maanta markii uu diyaaradda ka soo degay ka dib.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxa uu sheegay inuu xidhiidh fiican oo dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, wax wada-qabsiga, horumarinta iyo Ganacsi ahi ka dhexeeyo labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti oo Jaar ah xad-na wadaaga, kaasoo uu xusay inuu marba marka ka dambaysa sii xoogaysanayo.

 Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland