Wasiir Shugri Xariir oo ka warrantay ujeeddada Wefti ay hoggaaminaysaa kaga soo noqdeen Uganda

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, ayaa faah faahin ka bixisay Wafti Haween ah oo ay hoggaaminaysay oo safar ugu maqnaa waddanka Uganda, isla markaana maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Shugri Xariir Ismaaciil

Weftigan ay hoggaaminaysay Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Shugri Xariir, ayaa isugu jiray Haween ka kala socday Xukuumadda Somaliland iyo Ururrada Bulshada ee ka hawlgala dhinaca arrimaha Haweenka iyo weliba Xubno Haweenka Ciidammada Somaliland ka tirsan ee nasiibka u yeeshay inay hantaan Derajooyinka Ciidammada dhawr bilood ka hor loo qaybiyey.

Wasiir Ku-xigeen Shugri Xariir oo markii Weftiga ay hoggaaminaysaa ka soo degeen garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa qolka nashada ee Madaarka Warbaahinta kula hadashay, ayaa sheegtay in ujeeddada Safarkoodu ahayd inay ka qaybgalaan Tabobbar la xidhiidha qaabka hoggaaimnta Bulshada, kaasoo ay kaga qaybgaleen dalka Uganda.

“Qodobka lagu tabobbarayey Haweenka ayaa ahaa hoggaaminta, iyada oo Haweenka lagu dhiirrigeliyey inay bartaan hoggaaminta toosan ee horumarka lagu kasban karo si markaa Haweenka kor loogu qaado hankooda Siyaasadeed. Arrintaasina waa mid aad u ballaadhan, waxaanay ka mid ahayd Barnaamijkii ay dawladda Somaliland ku dhawaaqday oo qorshaha Xukuumadda ayay ka mid ahayd in dadka la baro hoggaaminta wanaagsan.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil.

Marwo Shugri waxay sheegtay in ballan-qaadadii Xisbiga KULMIYE ay ka mid ahayd in la dhiirrigeliyo Haweenka, waxaanay tilmaantay in wakhtigan la hirgelinayo Siyaasadda ah In Haweenku ka qayb qaataan hoggaaminta dalka iyo dadka.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.