Madaxweynaha Soomaaliya muxuu ka yidhi xil-ka-qaadista Raysal-wasaaraha iyo Xukuumaddiisa?

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay Ra’iisul wasaare Saacid maanta, ayaa ku tilmaamay mid Dastuuri ah, isagoo sheegay inay Xildhibaannada Baarlamaanku muujiyeen howl-karnimo iyo Mas’uuliyad.

XASAN SHEEKH

“Go’aanka uu Baarlamaanku qaatay waxay caddeyn u tahay in dalka ugu xoogeysanayso dimuqraadiyadda.” ayuu Madaxweynuhu ku yidhri shirka jaraa’id oo uu maanta Xafiiskiisa ku qabtay ka dib markii Raysal-wasaare Saacid kalsoonida Baarlamaanku kala noqday.

Madaxweynaha oo uu muuqday mid ka jawaabaya hadal uu Ra’iisul wasaare Saacid ku sheegay shir jaraa’id oo uu isla maanta qabtay oo ahaa in mooshinka laga geeyay Xukuumadda uu ahaa mid lasoo abaabulay oo xubno Wasiirro ah oo ku dhow Madaxweynaha ay ka dambeeyaan, ayaa sheegay inaanu jirin haba-yaraatee khilaaf ka dhexeeya isaga iyo Saacid, balse ay isku qabteen dib u habeynta Xukuumadda, taasoo muddo dheer soo socotay, shalayna uu Baarlamaanku go’aan ka gaadhay.

“Anigu ma aanan odhan Ra’iisul wasaaraha ayaan xilka ka qaadayaa iyo sidan ayaan yeelayaa, balse isaga ayaa sheegay inuu khilaaf jiro, taas ayaana keentay sida aan filayo in Baarlamaanku uu soo fara-geliyo uuna howshiisa ka qabsado.” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay in shalay laga bilaabo uu isaga Dastuurku u ogol yahay inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare cusub, isla markaana ay taasi qayb ka tahay awoodaha qaybsan ee dowladda Soomaaliya. “Waan soo dhaweynayaa doorka Baarlamaanku Soomaaliya uu ku muujiyay inuu ku shaqeeyo dimuquraaddiyad.” ayuu yidhi Madaxweynaha oo intaas ku daray: “Waa muhiim in howl kasta oo la qabanayo loo maro dastuurka, waxaan soo dhaweynayaa sidoo kale go’aanka ay baarlamaanku gaadheen. Mahad ayaan u eclienayaa Xildhibaannada Baarlamaanka iyo hoggaankooda.”

Ugu dambeyn, Madaxweynuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay is-dajiyaan oo ay ku kalsoonaadaan hay’adaha dowladda ayna jirin wax hallaabi doona, howluhuna ay intan iyo in ka badan gaadhi doonaan. Isagoo xusay in dowladdu ay gacan uga baahan tahay shacabkeeda si ay ugu guuleysato howlaha horyaalla.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.