Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod kalsoonida kagala noqday Raysal-wasaare Saacid

Muqdisho(Aftahannews):- Mudanayaasha ayaa maanta codka kalsoonida u qaaday Ra’iisal wasaare Saacid iyo xukuumaddiisa.

2013122635215735618225132DSC02255

2013122635215732220578390DSC02106

2013122635215728544975373DSC02080

2013122635215728260824775DSC02084

Fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadiray 249 xildhibaan, 184 xildhibaan ayaa kalsoonida kala noqday Ra’iisal wasaaraha , iyada oo 65 ay codka kalsoonida siiyeen Ra’iisal wasaare Saaciid.

Markii ay codeynta iyo tirinta xildhibaanadii codeeyay dhamaatay ayaa waxaa Gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Jawaari waxa uu ku shwaaqay in Mooshinku uu gudbay sidaasina uu ansax ku yahay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidaasi xilkiisa ku waayay maadaama oo uu Barlamaanku kala noqday kalsoonida.

Sida uu qabo DKMG ah ee Somalia Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa sheegay in madaxweynaha looga fadhiyo inuu ku soo magacaabo Ra’isul wasaare cusub inta uusan ka dhamaan waqtiga uu dastuurka u ogolyahay.

Inta uu madaxweynaha ka soo magacaabayo Ra’siul wasaare cusub oo isna kalsooni loo weydiin doono Baarlamanka ayaa sida uu qabo dastuurka Somalia waxaa howsha xukumadda sii wadi doona Ra’isul wasaaraha kalsoonida lagala noqday iyo wasiirada xukumadiisa.

Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa noqonaya Ra’iisal wasaarihii 9aad ee soo mara Somalia 13kii sano ee u dambaysay.

Si ka duwan baarlamanadii kan ka horeeyay ayaaney wax rabshado iyo buuq ah ka dhicin fadhigii baarlamanka ee maanta iyo cod u qaadista mooshinka lagu riday Ra’isul Wasaaraha.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.