Madaxweyne Xasan Muxuu ka yidhi Dagaallada Taleex ku dhex-maray Puntland iyo Khaatumo?

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dagaalka maalmo ka hor ka dhacay Degmada Taleex ee gobolka Sool ee Somaliland oo ay Ciidammada Maamul-goboleedka Puntland xoog kaga qabsadeen Malleeshiyada Kooxda la baxday Khaatumo oo ay Taleex fadhiisin u ahayd. Waxaanu ku baaqay in la joojiyo colaadda deegaannadaas ka taagan.

XASAN SHEEKH

“Colaadda ka dhaceysay degmada Taleex waxaan leenahay halla joojiyo, waxaanan ugu baaqayaa Walaalaha deggan Taleex inay Xaajada dhulka dhigaan oo Mujtamaca hoggaamiyeyaashiisa talada u dhiibaan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xukuumadda Somaliland weli kamay hadal dagaalka ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool oo ka tirsan dhulka ay Somaliland xuduud ahaan u sheegato inay leedahay, balse aanay gacanta ku haynin.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.