Tabobbar Ku Saabsan Sida Shaqo loo raadsado Oo Loo Qabtay Dhalinyarada Jaamacadaha

Hargeysa(Aftahannews):- Waxaa habeenkii Jimacaha (29/11/2013) loogu qabtay Hudheelka Taj ee magaalada Hargeisa 90 Arday oo isugu jira Hablo iyo Wiilal oo badankoodu ka socday Jaamacadda Hargeysa.

ADAM

Tabobbarkaas oo ahaa mid lacag la’aan ah, isla markaana uu bixiyey soona bandhigay Dr. Aadan Ismaaciil Xasan oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo khibrad dheer u leh siyaalaha shaqada loo raadsado ee xirfadaha ay dhallinyaradu u baahantahay si ay ugu guulaystaan shaqo raadinta.

Tabobbarkan oo ahaa kii 5-aad ee uu Dr. Aadan Ismaaciil ugu tabarucay dhallinyarada wuxuu ka dhacay Hudheelka Taj, waxa dhalinyarada si buuxda loogu sharxay waxyaalaha looga baahanyahay qofka shaqada raadinaya, kuwaas oo u sahla cidda ama qofka shaqaalaha qoranayaa inuu ku xusho dadka ku haboon shaqada la qabanayo. Waxyaalaha dhalinyarada loo asteeyey waxa ka mid ahaa:

•           Sida loo qoro CVga fiican (How to write a good CV);

•           Sida loo qoro waraaqaha la raaciyo CVga (How to write CV cover letters);

•           Xirfadaha imtixaanka shaqada (Job interview skills);

•           Anshaxa shaqada (Work Ethics);

•           Sida laysaga ilaaliyo tahriibka (How to avoid illegal migration)

•           Sida loo korodhsado aqoonta guud (How to improve general knowledge);

•           Xilka muwaadinka (Duties of a citizen) iwm.

Wuxuu Dr. Aadan ku dheeraaday muhimada ay leedahay inuu qofku u diyaar garoobo shaqada uu dalbanayo oo uu su’aalaha laga weydiin karo sii baadho, kuna qanciyo dadka CVga eegaya in la siiyo fursad lagu interview gareeyo, ka dibna dadka interview ga ka qaadaya uu ku qanciyo inuu isagu yahay qofkii ku haboonaa shaqada la buuxinayo. Waxyaalaha lagu sharaxay tababarka waxaa ka mid ahaa ilaa lebiska qofka, ilaa salaanta marka uu soo galo meesha interviewga lagu qaadayo, ilaa sidaa uu u fadhiisanayo iyo sida uu uga jawaabayo su’aalaha, iyo waxyaalaha uu xooga saarayo sida aqoonta dheeraadka ah ama khibrada uu leeyahay (work experience) iyo inuu yahay mid shaqo-wadaag leh (team-player) iwm.

Waxa kale oo uu aqoonyahanku ku booriyey dhalinyarada inay gartaan masuuliyada ka saran waddankooda iyo inay noqdaan muwaadiniin wanaagsan (good citizens) oo si buuxda uga qayb-qaataan horumarka waddanka kana shaqeeyaan sidii ay u xoojin lahaayeen dhaqanka wanaagsan iyo dhiirigelinta bulshada. Ugu dambayntii wuxuu Dr. Aadan wuxu dhallinyarada ugu baaqay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha waddada Ceerigaabo iyo kuwa kaleba.

Wuxuu Dr. Aadan ku soo gunaanaday hadlakiisii waxa farxad ii ah in ay dhalinyaro badan oo kale iga codsadeen inaan ugu celiyo tababarkan oo kale hadaba haddii aad doonayso inaad ka soo qayb gasho tababarka soo socda (next training session) isa soo diiwaan geli adoo codsi ku soo diraya emailkan: qaraamiuk@gmail.com 

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.