Hambalyo Meher wacan

Hooyo Sahra Odowaa, hooyo Sahra Aadan, Faysal Cabdiraxmaan Madar, C. kariin Cabdiraxmaan Madar, Sacad Cabdiraxmaan Madar, Jimcaale Cabdiraxmaan Madar, Cabdiqani Cabdiraxmaan Madar, Cabdikariin Cabdiraxmaan Madar, Layla Cabdiraxmaan Madar, Samiira Cabdiraxmaan Madar, Mawliid Mahad Qaasim, Axmed Mahad Qaasim, Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargaysaawi), Axmed-Yaasiin C. raxmaan Axmed (Dool), Hibo Axmed Cabdi, Maxamed Cabdi Muxumed, Xuseen Muuse Jaamac, Maxamed Xasan Biciid, Xuseen Maxamuud Nuur

Waxay dhammaan Ehelladan iyo asaxaabtani hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin hawada u marinayaan Mudane Cabdi Fataax Mahad Qaasin iyo Marwo Saamiya Cabdiraxmaan Madar oo maanta oo bishu ahayd 29-11-2013-kii Hotel Xaraf ee magaalada Hargaysa

Waxaanay idilkood ugu ducaynayaan ducadii rasuulka ee ahayd

Baarakallaahu laka

Wabaaraka callayka

Wa jamaca bayna kumaa

Filkhayr ow bilkhayr.

 

Laba guul la dhaladoo

Samo lagu garadaadshoo

Guulaheen hanuunshoo

Garashiyo wanaagloo

Gu’gooduna badnaynnoo

Gankoodana hormuud u ah

Saamiya Gob-deeq iyo

Cabdi garasha dheeroo

Gacalkiyo xigaal kaba

Goob wacan ku sooroo

Gacan lagu yaqaannoo

Guurtinimo ku caannaa

Guri billan yagleeloo

Guurkoodi maantay

Guulaheen middeeyoo

Samo lagu gunaanaday

Rabboow haybad gaariyo

Guri lagu negaadiyo

Ubad u gargaaroo

Garadkood sareeyiyo

Hablo loo garaaboo

Diin lagu gardaadshiyo

Hela mahadda guullahay

Rabbi idinka yeelo qoys badhaadhe, barwaaqo iyo beer wacan oo cidhib wanaagsani ka unkanto. Aamiin… Aamiin… Aamiin.