Madaxweynaha Soomaaliya oo Astaan lagu xasuusto ugu magac-daray Marxuum Qaybe

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ugu Magac-daray Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ahaa diblumaasi siyaasadda ku xeel-dheer oo toddobaadkii hore lagu aasay Magaalada Hargeysa oo uu muddooyinkii u dambeeyey degganaa kuna geeriyooday.

XASAN SHEEKH

Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo xalay ka hadlayay Munaasibad baroor-diiq ah oo lagu xusayey Marxuum Qaybe, ayaa sheegay maadaama oo Marxuum Qaybe noloshiisii ku soo qaatay shaqada dublamaasiyadda loogu Magac daray xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in marxuumku ahaa qof ku dayasho mudan.

Madaxwayne Xasan, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxa uu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad ku lahaaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu u khidmeynayey ummadda Soomaaliyeed. ILAAHAY naxariistii Janno ha siiyo, Samir Allaah haka siiyo ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.”

Madaxwayne Xasan, waxa kale oo uu sheegay; “Waa inaan wax ka baranaa wixii Axmed dalka u soo qabtay,taariikhdii uu ka tegay. Magaciisa iyo waxqabadkiisa ayaana jiri doonaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan u joognaa xuska Marxuum Axmed-Qeybe, xusuustiisa si aanu jirsiino mar-walba waxaan caawa (xalay) halkaan ka soo jeedinayaa maadaama Marxuum Axmed Nolashiisa inta badan ku qaatay dublamaasiyad in xarunta Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magac daray Qeybe, wixii berri (maanta) ka bilowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhalinyaradda dambe ee Soomaaliyeed isku weeydiyaan Qeybe yuu ahaa ka dibna Taariikhdiisa iyo waxqabkiisa u helaan, waa dhaqan cusub oo bilow ah.”

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.