Ajandeha Shir-doceedyo Isa-sudhan Oo SALEEBAAN-GAAL Xalay & Habeen Hore la qaatay Madaxda Dhaqanka Iyo Mudanayaasha Baarlamaanka Beesha GAR-ADAG

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), ayaa Xalay iyo habeen hore shir-doceedyo Gooni-gooni ah gurigiisa isugu yeedhay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Ugu Jira Beesha Habar-jeclo iyo Madaxdooda dhaqanka, kuwaasi oo uu kala hadlay amuuro ku suntan wada-jirka iyo midnimada reerka. 

saleebaan

Guddoomiyaha ayaa Habeen Hore Aqalkiisa kula Shiray Xubnaha Golaha Baarlamaanka ugu jira Beeshiisa, waxana kalankaas oo albaabadu u xidhnaayeen ahaa mid si aad loogu Gorfeeyey sidii xildhibaanada Beeshu u noqon lahaayeen kuwa ka taliya Arrimaha Beesha iyo maslaxadeedda, isla-markaana ka Hawlgala dhinaca isku duubnida iyo wada jirka Beesha.

Ilo muhiim ah oo Wargeyska HUBAAL warkani ka helay ayaa tibaaxaya in Guddoomiyuhu uu shirkaas si Badheedh ah ugu sheegay Xildhibaanada inaan looga Dulqaadan doonin wax tafaraaruq ah iyo kala jiidasho Xisbiyada mucaaridka dhexdooda ah, waxana uu ku dhiirrigeliyey sidii ay Taageeradooda u siin lahaayeen Xisbiga Beesha Tacabkeedu ku dhan yahay ee Madaxweyne Siilaanyo kasoo koray Kursiga hoggaaminta qaranka (Madaxweynenimada).

Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay intooda badani Hawraarsan ku soo dhaweeyeen Hadalka Guddoomiyaha, marka laga reebo xubno ka biyo diidsan qaabka tala maroorsiga ah ee adaxtooyaddu u afduubtay siyaasadda qaranka, waxana ay intoodii halkaas ka hadashay sheegeen inay ayidd-san yihiin Soo Jeedimaha Guddoomiyaha, iyagoo uga Mahad celiyey sida fiican ee uu ugu talinayo isoo jiiddida Beesha.

Isla kulankaa ayuu Guddoomiye Saleebaan ku wargeliyey xubnihii xildhibaanada ahaa inay sidoo kale Qolada dhaqanku [Madax-dhaqameedka beesha] mas?uul ka yihiin kala daadashada Beesha iyo Ra?yiyada iska soo horjeeda ee soo yeedhaya, isagoo ballan ku qaaday inuu iyagana meel iskugu keeni doono intii uu ka haleelo.

Guddoomiyaha ayaan Ballantiisan ka Laba- labaynba, waxana uu isla Xalay Aqalkiisa shir Ballaadhan ugu qabtay Tiro badan oo ka tirsan Hormoodka iyo waxgaradka Beesha Habar-jeclo, waxaana Halkaas lagu qaadaa dhigay Danta iyo maslaxadda Beesha iyo waliba sidii ay Beeshu Cod midaysan uga Yeelan lahayd Arrimaha Kulmiye ee Haatan Taagan oo uu Guddoomiye Saleebaan Toddobaadkii hore Dedaal badan geliyey sidii loo dhamayn lahaa, balse aanu ku guulaysan.

Kulankan uu xalay Saleebaan Aqalkiisa ugu qabtay Cuqaasha, salaadiinta iyo waxgaradka Tirada badan ee Beeshiisa ka jeedda, inta ka joogta Magaaladda Hargeysa ayaa si aad ah loogu lafo guray in Beeshu u baahan tahay hab laysku raacsan yahay inay  uga jawaabto Muranka ku dhex jira xisbiga Kulmiye iyo Sidii Taageero buuxda loo Siin lahaa Rabitaanka Madaxweynaha ee Caqabadaha haatan ka soo cusboonayaday Xisbiga Dhexdiisa. Cuqaashii Halkaas isku timi intooda badan ayaa ku ayiday Guddoomiyaha inay la Baadi doonaan qawl midaysan oo ay beeshu ka yeelato arrimaha soo kordhay, waxana ay ku ballameen inay Dadkii ay ka yimaaddeen meel ay joogaanba ku dedaali doonaan sidii loo midayn lahaa ee tafaraaruqa iyo muranka looga dhex saari lahaa.

Guddoomiye Saleebaan ayaa sidoo kale Kooxdan ka kooban Hormoodka Beesha ku dhiirigeliyey in looga baahan yahay inay la yimaaddaan midnimo iyo is fahan dheeraad ah, maadaama haatan uu madaxweynaha saaran yahay culays kaga yimi dhinaca Xisbiga oo ku guul-darraystay inay calool fayoobaan ku galaan shirweynaha dhawaan dhici doona.

Sidoo kale waxa uu Guddoomiye Saleebaan kula dardaarmay Waxgaradkan inay Doorashooyinka soo socda iyo muranka Kulmiye-ba ku qaabilaan midnimo iyo isku duubni oo aanay sida Beelaha kale qolaba qolo taageero aan Beeshu isku raacsanayn u muujinin.

Sidoo kale waxa lagu wadaa inuu Guddoomiye Saleebaan ayaamaha soo socda Kulamo kale la yeesho Ganacsatada iyo Maalqabeenada Beesha, isaga iyagana kala hadli doona sidii ay uga shaqayn lahaayeen, islamarkaana Maalkooda ugu bixin lahaayeen Danaha iyo hawlaha Reerka.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku mashquulsan Shirar-doceedyo uu Beeshiisa u abaabulayo, Gebi ahaanbana waxa uu Dhinac iska dhigay oo ka Leexday Hawlihii Guurtinimo ee uu qaranka u hayey, isagoo u Baydhay Arrimaha Beesha uu ka soo jeedo. Arrinta uu Saleebaan faraha kula jiro  guud ahaanba ay ka soo horjeeddo hawshii qaranku ku ogaa ee ahayd Guddoonka Guurtida, waxana jira werwer hor leh oo la xidhiidha Hore u wadidda shaqada uu qaranka u hayo, maadaama uu u muuqdo nin u xuubsiibtay arrimo reereed.

Xigasho: Wargeyska Hubaal Oo Hargeysa Ka Soo Baxa