1357 Arday oo u fadhiistay imtixaanka Jaamacadda ADMAS

Hargeysa(AN) Jaamacada ADMAS faraceeda Somaliland ayaa maanta si rasmiya Imixaan ugu qaaday Tiradii arday ugu badnayd ee soo codsata inay wax ka bartaan Jaamcadaasi.

Ardaydani oo gaadhaysay 1357 arday ayaa maanta Imixaankii qiimaynta ahaa u fadhiisatay, iyagoo ahaa ardaydii ka soo baxday dugsiydada sare ee dalka, kana soo gudbay Imxtixaankii Sahaadiga ah ee GCSE Somaliland.

Ardayda maanta Imxitaanka u fadhiisatay ayaa laga qaadayey Labada maado oo kala ah Xisaab iyo English sida uu saxaafadda u sheegay Axmed-Naasir Xasan oo ah ku xigeenka Madaxa waxbarashada ee Jaamacada ADMAS.

Ardaydani ayaa marka lagu kala saaro Imixaankaasi inta soo baxdaa ay si rasmiya waxbarashadooda ugu bilaaban doonaa Labada qaybood ee Jaamacada Admas ay ku leedahay magaalada Hargeysa, qaybteeda ku taala xaafada Maxamed Mooge iyo xarunta dhaxe oo ku taala xaafada Jigjiga yar.DSC01423

DSC01435

DSC01441

DSC01443

DSC01445

DSC01458

DSC01469

DSC01473

Ardaydani ayaa inta imtixiaankan qiimanta ah ka soo gudubtaa Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Admas oo kale Ah, ICT, Economics, Management, Accounting, Development Studies, Political Science,enjineering, Sociology and social Work. waxa ardayda soo baxda Isniinta todobaadkan loo qaban doonaa xaflad balaadhan oo lagu soo dhawaynayo.

Madaxa Qaybta Dhaqaalaha ee Jaamacadda ADMAS Dr. Swamy isaguna soo dhaweeyay Ardayda Cusub kuna dardaarmay inay ardaydaasi ay muujiyeen dedaal iyo karti.